Muj Cali Guray Muxuu ka yidhi Dhacdooyinkii Maalmahan?.Maato Lays Waa Ii Maato Lays. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muj Cali Guray Muxuu ka yidhi Dhacdooyinkii Maalmahan?.Maato Lays Waa Ii Maato Lays.
August 14, 2015 - Written by Editor:

Waa nasiib darro caruur aan waxba galabsan oo rasaas aanay geyin la dhacayaan kuwii nabadgelyadooda ilaalin lahaa hadana aan laba Cali is waydiinayn waayo iyo yaa ka masuul ah?

Weli waxaa dhacaya shir degdeg ah mar keliya xukuumadda oo ka yeelatay may dhicin. Marka aynu dhinaca masuuliyadda wax ka eegayno dhacdooyinkni way mudan yihiin in xukuumaddu is waydiiso war cad oo run ahna ka soo saarto. Shalay mayd baa la aasay xalayna mid kale ayaa Bilays toogtay isaga oo Saldhigga Koodbuur ugu xidhan. Nasiib darro madaxda dawladdu uma aragto wax qayrul caadi ah iyo halis isa soo taraysa oo keeni karta wax aanay u fadhiyin. Goorma ayay masuuliyiinta xukuumaddu Madawayne iyo wasiiroba damqadaan sideese dareenkoodu yahay.?Ma sida aynu qaarkood ka maqalo WAA ISKA CAADI BAA? Hadii aanay ahayn wax ay xukuumadda lafteedu ka dambayso oon dano gaar ah laga lahayn waxay dhacdooyin kani inoo cadaynayaan in Somaliland aanu jirin wax bilays la odhan karo oo la isku halayn karo isla markaana ay xukuumadani ku fashilantay in dadka Somaliland ay helaan nabadgelyada uu Dastuurku u damaanad qaaday.

Magaca doonto ugu yeedh aniga MAATO LAYS WAA II MAATO LAYS

 

CALIGUREY

COMMENTS
LINKS