|
|||||
WAJAALE NEWS
Mo Farah Oo ku Guulaystay Tartanka 10,000m Ee Ciyaaraha Adduunka
August 22, 2015 - Written by Editor:Orodyahanka Mo Farah ayaa ku guuleeystay tartanka 10,000m ee cayaaraha fudud ee adduunka oo maanta ka furmay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha. Ka dib guushiisa ayaa la sheegayaa in uu kor u qaaday lacanka dalka uu u ordo ee Britain, kumanaan ka mid ah taageerayaashiisa ayaa wadada la taagnaa boodhadh uu ku dhegsan yahay sawirkiisu. Ciyaaryahanada galay kaalmaha ku soo xiga ayaa u dhashay waddanka Kenya
Mo Farah ayaa hore u haystay dhowr billadood oo Dahab ah, balse dhawaan ayaa lagu soo eedeeyay in uu isticmaalo daroogo si ay jidhkiisa u siiso awood dheeraad ah inkasta oo uu beeniyay Mo Farah kuna tilmaamay dacaayad rakhiis ah.
Related posts:Shirkada Bare Construction Oo Kulan La Qaatay Dalada Ay Ku Midoobeen Dilaaliinta Caasimada Hargaysa DAAWO; Fanaanada Nimco Yaasiin Oo Shiday Showgii Reer Minesota Iyo Heesaha Xulka Ee ay Soo Bandhigt... Prof Axmed Ismaaciil Samater Oo Jawaab Ka Bixiyay Eedo Loogu Jeediyay Hadalo Uu Dhawaan Warbaahinta ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|