Milicso Sawir Taariikhi Oo Marxuum Siciid Cali Giir Laga Qaaday 33 ka hor halgankii SNM | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Milicso Sawir Taariikhi Oo Marxuum Siciid Cali Giir Laga Qaaday 33 ka hor halgankii SNM
August 31, 2015 - Written by Editor:

iyadoo uu maanta alla ha u naxariiste magaalada laascanod ku geeriyooday Mujaahid Siciid Cali Giir ayaa waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago sawir taariikhi ah oo laga qaaday marxuumka xiligii uu ku gudo jiray halgankii dib u xoraynta Somaliland.

Saed Ali Giir

sawirka halkan ka muuqda oo ay xuquuqdiisa iska leeyihiin labada muwaadin ee Siciid Xabashi iyo Nakruuma waxa Marxuum Siciid Cali Giir laga qaaday mudo laga joogo 33 sano oo ahayd bishi 8aad (August) 1982, isagoo ku labisan dirayskii ururkii SNM oo astaantii ururkaasi ka muuqato koofiyada uu xidhanyahay kuna hubaysan gurigiisii iyo qalabkiisi kale.

Ugu dambayn waxaan saxaafada ka codsanayaa inay sawirkaa markay isticmaalayaan xuquuqdiisa siiyaan labadaa muwaadin, sababtoo ah waxay ka mid ahayd shuruudihii ay igu xidheen markaan sawirka manta ka soo qaadayay.

COMMENTS
LINKS