Midowga Afrika Oo Laga Dalbay inay bixiso Mag-dhawga Askartii AMISOM Ee Lagu Dilay Somalia. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Midowga Afrika Oo Laga Dalbay inay bixiso Mag-dhawga Askartii AMISOM Ee Lagu Dilay Somalia.
August 19, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa (Wajaalenews) — Iyadoo bishii hore uu Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ay Meel-mariyeen in Ciidamo dheeraad ah oo Midowga Afrika ka socda lagu soo biiriyo Howgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa haddana waxaa wali taagan cabashada ay soo gudbinayaan Qoysaskii Askartu ay uga dhinteen ama uga dhaawacmeen Soomaaliya, kuwaasoo aan wali la siinin mag-dhowgii horay loogu ballan-qaaday.

Ciidamada_Midowga_Afrika_660

Nkunzimana Jeanette, waa haweeneey 30-jir ah, taasoo saygeedii oo Askarta AMISOM ka mid ahaa lagu dilay Soomaaliya ayaa sheegtay in ilaa iyo haatan aysan helin wax magdhow ah, isla markaana saygeeda uu ku dhintay Somalia sannadkii 2011-kii, isagoo shaqeynayay muddo lix bilood oo keliya ah.

“Saygayga waxaa la dilay intii Al-shabaab ay haysatay Qaybo Muqdisho ka mid ah,” ayay tiri Nkunzimana, iyadoo intaa ku dartay in saygeeda uu dagaal kula jiray Al-shabaab, loona ballanqaaday in qoyskiisu ay Magdhow heli doonaan haddii ay waxyeello soo gaarto, balse illaa hadda ballanqaadkaas nalooma fulin.

Askari isaguna ka mid ahaa ciidanka AMISOM oo ku dhaawacmay Howlgallada ka socda Somalia ayaa sheegay inay ku qaadatay muddo laba sannadood ah in uu Ururka Midowga Afrika ka helo lacag magdhow ahaan uu u lahaa oo 10,000 oo Doollarka Mareykanka ah.

Tan iyo markii uu howlgalka Midowga Afrika ka billowday Soomaaliya Sannadkii 2007, waxaa kaga dhintay Soomaaliya boqolaal askari, kuwaasoo intooda badan ay u dhasheen dalka Burundi.

Ma aha markii ug horeysay oo dalalka ay ka socdaan ciidanka AMISOM iyo Qoysaskooda ay ka cawdaan in ururka Midowga Afrika uusan weli bixin magdhowgii ay u ballan-qaaday Ciidamada ka howlgala Somalia haddii ay dhintaan ama ay ku dhaawacmaan howlgallada.

Ugu dambeyn, Ururka Midowga Afrika ayaa horay u ballan-qaaday Maghow la siin doono Qoysaska iyo Waddamada ay ka Socdaan Ciidamada ka Howlgalaya Soomaaliya haddii ay dhintaan inta uu howgalku socdo iyo haddii ay dhaawacmaan.

 

COMMENTS
LINKS