|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxkamadda Sare ee Uganda oo Mamnuucday Celinta Sooryooyinka laga bixiyo Haweenka
August 6, 2015 - Written by Editor:Uganda(Wajaalenews) — Maxkamadda sare ee Dalka Uganda ayaa xukuntay in dhaqanka ah in lacagta sooryada ah Dumarka laga noqdo marka la furo ay tahay mid ka dhan ah dastuurka Uganda oo ay tahaa in dhaqankaas la mamnuuco.
Xaakimadda ayaa Sheegay in Dhaqankaas uu ka dhigayo Haweenka kuwa meel Suuqa ah lagu kala gato, isla markaana uu Xad-gudub ku yahay xaqa ay u leeyihiin inay ninka ay is-furaan. Ololeeyayaasha ayaa sheegay in Sooryadu ay ka dhigayso qofka dumarka ah in ay qayb ka tahay hantida ninkii qabay.
Dalka Uganda haddii Guurka Lamaanuhu uu shaqeyn waayo, qofka dumarka ah ayaa laga filayaa in ay dib u soo celiso Sooryadii horay loo siiyay – inta badanna waxaa lagu bixiyaan sooryadaasi xoolo la dhaqdo.
Hase ahaatee, waxaa lagu dooday Maadaama Dumar ay ka xoolo yar yihiin raggii qabay, taasoo keentay in Dumar badan ay ku lug xirmaan guur aysan ku faraxsanayn.
Ugu dambeyn, dacwada la xiriirta Sooryada lala noqonayo ayay Maxkamadda Sare u soo gudbiyay hay’adda u ololeysa Xuquuda Haweenka ee Mifumi oo sheegtay in Sooryadu ay dhiir-galiso in raggu ay dumarkooda garaacaan.
Related posts:Hay’ad Caalami Ah Oo Saadaalisay In Xisbiga KULMIYE Iyo Madaxwayne Biixi Lagaga Guulaysan Doono Door... 3 dhimasho ah iyo 26 Qof oo Dhaawac ah Oo Roobabkii Galabta Da,ay kuwaxyeeloobay Ayaa Madaxweyne Si... DAAWO; Hadalo Duurxul Siyaasadeed ah Oo Aan Waxba Layskula Hadhin Oo Dhexmaray ; Suldaan Xasan, Bo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|