Maxkamada Dastuuriga ah Oo Go’aan Kasoo Saartay Murankii Mudo Kordhinta Guurtida. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamada Dastuuriga ah Oo Go’aan Kasoo Saartay Murankii Mudo Kordhinta Guurtida.
August 18, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews)-Maxkamada Sare dastuuriga Somaliland ayaa go’aan kasoo saartay khilaafkii ka dhashay mudo kordhinta golaha guurtidu u sameeyay mudo xileedka madaxwaynaha iyo wakiilada.

Golaha guurtida Somaliland ayaa sheegay in doorashada madaxwaynaha iyo wakiilada la qaban doono Bisha 3 2017ka taasi oo dalka ka dhalisay muran siyaasadeed oo horleh.

Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland ayaa maxkamada sare u gudbiyay inay fasiraad sharci ka bixiso go’aaka mudo kordhinta golaha guurtida iyo heshiiska axsaabta qaranka.

Maxkamada dastuuriga ayaa saaka go’aanka kasoo saartay murankaas.

 

Go’aanka Maxakamadda sare

 

Maxkamada Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland

Markii ay aragtay Qodobka 98aad, Faqradda 1aad, Xarafka (b) oo sheegaya in Garsoorku awood u leeyahay fasiraadda macnaha xeerarka kasoo baxa Golayaasha Dastuuriga ah, iyo Xarafka (j) oo ah in uu ka taliyo muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka JSL.

Markay aragtay Qodobka 15aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka ee JSL, Faqradda 1aad, Xarafka (b) oo sheegaya macnaynta iyo fasiraadda Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka lagaga dhaqmo marka la isku qabsado nuxurka ujeeddadooda, iyo Faqradda 11aad oo sheegaysa in Maxkamadda Dastuuriga ahi ka taliso muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka oo ay laba dhinac isku hayaan.

Markay Daristay Warqada Madaxweynaha JSL. ee Lr. JSL/MD/100-3450/082015, kuna saabsanayd Codisaga Fasiraad ee uu ka dalbaday Maxkamada Dastuuriga ah kuna taariikhaysan 08/08/2015

Markay Daristay Go’aanka mudo kordhinta ee Golaha Guurtida JSL ee Ref/G/G/JSL/Go’aan Lambar 04/05/2015 kuna Taariikhaysan 11/05/2015.

Markay Daristay Heshiiska Saddexda Xisbi Qaran ee KULMIYE, WADANI iyo UCID isla markaana uu Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Golo joog ka ahaa Kuna Taariikhaysan 27/05/2015

MAXKAMADDU WAXAY KU SABABAYSAY QARAARKEEDA ASBAABTAN HOOS KU XUSAN

  • In Madaxweynaha JSL uu dalbaday kaliya in tafsiir lagu sameeyo labada xili doorasho ee ay kala tilmaamayaan Go’aanka Golaha Guuritida iyo Heshiiskii Saddexda Xisbi Qaran.
  • In aanu Madaxweynuhu ka dalban Maxkamada fasiraad ku saabsan in Go’aanka muddo kordhinta ee Madaxwaynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Golaha Wakiillada ee Golaha Guurtidu kordhiyas waafaqsan-yahay Dastuurka JSL iyo in kale, isla markaana aanay jirin cid durtay.
  • In aanu jirin Heshiis Midaysan oo saddexda Xisbi Qaran u Gudbiyeen Golaha Guurtida intii aanay samaynin Mudo Kordhinta, isla markaana Xisbayada Qaranku ay heshiiskooda, Qodobka 1aad, ku ixtiraameen Go’aankii Golaha Guurtida.
  • In Gudida Doorashadu cadeeyeen in aan farsamo ahaan doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenku ku qabsoomayn 26/06/2015.
  • In muddo xileedka 5-ta sano ee ay doorashada ku yimaaddaan Madaxweyenaha, Madaxweyne Ku Xigeenka, Golaha Wakiilada iyo muddada uu kordhiyaan Golaha Guurtidu marka ay 5-ta sano ee ay doorashada ku yimaaddeen ay dhammaato, si waafaqsan Qod. 83aad Faqradiisa 5aad iyo Qod. 42aad Faqradiisa 3aad ee Dastuurka JSL, ay leeyihiin ku dhaqan sharci oo isku mid ah
  • In Golayaasha Qaranku ( Fulinta iyo Xeer dajinta) ay isku mid yihiin awoodooda sharci ee muddo xileedka ay doorasho ku yimaaddaan iyo muddada loo kordhiyo aftidii Dastuurka ee 2001 horteed iyo dabadeedba. Tusaalena waxa ah in Xeer-dajintu iyaga oo ku fadhiya Mudo kordhin ay abuureen Xeerar cusub, ansixiyeen Gudiyo iyo Masuulyiiin Qaran, iwm. Dhinaca kale aftidii dastuurka ee 2001-dii horteed iyo dabadeedba waxa jiray Madaxweynayaal kala duwan oo dalka soo maray saxeexayna Xeerar iyo Mashruucyo sharci si ay u dhaqangalaan, isla markaana magacaabay Masuuliin Qaran iyo Gudiyo, waxa kale oo ay qaateen Go’aano Masiiri ah iyaga oo ku fadhiyay Mudo kordhin.

 

  • In awoodda muddo kordhinta Golayaasha Kala Duwan ee Qaranka Marka ay ka dhamaato muddo xileedka ay doorasho ku yimaaddeen uu leeyahay Golaha Guurtidu si waafaqsan Qod. 83aad Faqradiisa 5aad iyo Qod. 42aad Faqradiisa 3aad ee Dastuurka JSL.

Sidaa darteed Maxkamada Dastuuriga ah JSL waxay soo saartay Qaraarkan:

QARAAKA FASIRAADDA MAXKAMADDA DASTUURKA

Maxkamada Dastuuriga ahi waxa ay soo saartay Qaraarkan Fasiraadda ah ee soo socda:

  • Waxa ay Go’aamisay Maxkamaddu ku dhaqanka xilliga qabsoomida doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Golaha Wakiilada in uu noqdo sida ku cad Faqradda B, Qaybteeda 5aad ee Go’aanka Guurtida kuna beegan bil ka hor dhamaadka muddada xilka loo kordhiyay Madaxeynaha, Madaxweyne ku Xigeenka iyo Golaha Wakiilada JSL oo ku dhamaanaya 27/4/2017, si waafaqsan Qod.83, Faqrada 2aad iyo Qod.42aad Faqrada 2aad iyo 3aad ee Dastuurka JSL.
  • Waxa ay Maxkamaddu laashay heshiiska Saddexda Xibsi Qaran ee KULMIYE, WADDANI IYO UCID ee ku taariikhaysan 27/05/2015 mana laha wax dhaqan-gal sharci ah maadaama Golaha Guurtidu aanay aqbalin soojeedintii Xisbiyada si wax kabadal iyo kaabid loogu sameeyo Go’aanka mudo kordhinta Golaha Guurtida ee ku taariikhaysnaa 11/05/2015.
  • Waxa ay Go’aamisay Maxkamaddu in maalinta Doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne ku Xigeenka iyo Golaha Wakiiladu noqoto 28/03/2017 kuna beegan Bil ka hor dhamaadka Mudada xilka loo kordhiyay oo ah 27/04/2017. Waana in si rasmi ah u soo cayinto Gudidda Dooraashooyinka Qaranku isla markaana waa in Madaxweynuhu ku soo saaro Degreeto sida uu dhigaayo Qod: 8aad ee Xeer Lr/20/2001.
  • Waxay Go’aamisay Maxkamaddu in mudo Xileedka 5 (shanta) sano ee ay doorasho ku yimaaddaan Madaxweyenaha, Madaxweyne Ku Xigeenka, Golaha Wakiilada iyo Muddada uu Kordhiyo Golaha Guurtidu marka ay 5ta sano ee muddo xileedka doorasho ay ku yimaadaan dhamaato si waafaqsansan Qod. 83aad Faqradiisa 5aad iyo Qod. 42aad Faqradiisa 3aad ee Dastuurka JSL ay isku mid yihiin, leeyihiina dhaqan-gal sharci oo isku mid ah.
  • Qaraarkan fasiraadda ah waxa ay Maxkamaddu soo saartay maanta oo taariikhdu tahay 18/08/2015.

Waxa soo saaray qaraarkan fasiraadda ah garsoorayaasha kala ah:

  • Aadam Xaaji-Cali Axmed Gudoomiye _________________
  • Maxamed Cumar Geelle Xubin _________________
  • Cabdiqadir Axmed Maxamuud Xubin _________________
  • Maxamed Faarax Siciid Xubin _________________
  • Axmed Diiriye Qaalib Xubin _________________
  • Cali-Shucayb Sh. Ibraahim Nuur Xubin _________________
  • Cabdiraxman Jaamac Hayaan Xubin __________________
  • Cabdillahi Cabdi Aadan Xubin __________________
  • Yaxye Cali Idiris Xubin __________________
  • Cabdiraxman Xuseen Caynaan Xubin __________________
  • Cabdiraxman Xassan Nuur Xubin ___________________
  • Sahrah Ismaciil Cabdillahi Kaaliye Sare _______________

 

COMMENTS
LINKS