Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Ku Tagaya Gobolka. Awdal Xili Ay Xaalada Gobolku kacsan Tahay Iyo Dareenada Ku Xeeran. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Ku Tagaya Gobolka. Awdal Xili Ay Xaalada Gobolku kacsan Tahay Iyo Dareenada Ku Xeeran.
August 25, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Madaxweynaha Jamhuuriyada somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo ayaa Maanlinta bari ah safar ugu bixi doono gobolka awdal xaruntiisa boorama.

saarka siilaanyo

madaxwaynaha ayaa ka qayb gali doona qalin jabinta difcadii 14aad ee ardayda jaamacada camuud.

wararka aanu ka helayno magaalada borama ayaa tibaaxaya in magaalada laga dareemayo dhaqdhaqaaqa u diyaar garowga safarka madaxwayanaha iyadoo ciidamada amaanka iyo kuwa dharcadaba aad loogu daadiyay magaalada iyo goobta lafilayo in xafladu ka dhacdo.

safarkan madaxewynaha ayaa ku soo beegantay xili uu waxwayni iska badalay xaalada gobolkaas marka loo eego mudadii uu ka maqnaa madaxweyne siilaanyo iyadoo la filayo in madaxweynuhu kala kulmi doono dadwaynaha ku dhaqan gobolkaas cabashooyin xoogan  oo ay kamid tahay mashaariic badan oo uu dhagax dhigay madaxweyne siilaanyo sanad kahor mashaariic badan oo aanay waxba ka fulin, abaaro ba,an oo xiligan kajira gobolada galbeedka iyo suldaan kamida salaadiinta reer awdal oo xaalado amaan daro ah kawada gobolka awdal.

dhamaan duruufahan ad adag ee ka jira gobolka awdal ayaa noqon doona kuwa ay latiigsan doonaan waxgaradka gobolka awdal madaxweyne siilaanyo madaama aanu ka jawaabin gabi ahaanba cabashooyinkii reer awdal ee soo noqnoqonayay mudooyinkii u danbeeyay.

 

si kastaba ha ahaatee cabashooyinkan ayaa waxa u dheer madaxweynaha ardayda tirada badan ee sanad kasta ka qalin jabinaysa jaamacadaha dalka khaasatan jaamacadan camuud oo badi ay camal laa yihiin ardaydii ka qalin jabisay.

dhinaca kale madaxweyne siilaanyo ayaa safarkiisa ku sii mari doona gobolka gabilay oo isaguna duruufihiisa leh horana uga cabanayay in uuna madaxweynuhu safarkan kiisii hore aanu sii marin dadka ku dhaqan gobolkaas waloow aan la,ogayn in uu sii mari doono oo uu mashaariic xadhiga ka jjari doono iyo inu muraayadaha ka dalacan doono.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS