|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Maxaad Runta Noogu Sheegi-wayday! Mustafe-Janaale
August 4, 2015 - Written by Editor:In Baddan waxaan maqlaa xukuumaddu wax ayay qabatay, waxaanan is-weydiiyey taageerayaasha KULMIYAHA Madaxtooyadu sababta ay u xusuusan la’a yihiin in sababta meesha loo keenayba ay tahay inuu wax-qabto, iyo inaanu wada rumayn filashadii ay qabteen is-bedel doonku 2010 codka ku taageeray. Intaas aan gogol xaadh ka dhigto, oo aan u soo dego u-jeedada qormadan oo aan idhaahdo Madaxweyne intii aad mucaaridka ahayd in baddan iyo in baddan ku arkay adiga oo la yaaban- aadna uga fikiraya Sababta uu Daahir Rayaale Kursiga Madaxweynaha isugu sii dhajinayo ee uu u doonayay muddo kordhinta, waxaad balanqaaday wakhtigaasi haddii aad talada waddanka qabato inay xukuumaddadu ay ku shaqeynayso nidaamka dimuqraadiga, oo marka dalkeena loo eego doorashada ku biyo shubta,haddii-ba la xusi lahaa wax-qabad aad ku talaabsatay waxay meesha ka saaraysa dib-u-dhaca doorashada oo muujinayaa in balanqaadyadii aad ololaha ku gashay iska ahaayeen uun soo jiidasho. Maxaan-ba taa hore u tiigsani adiga oo khudbad sanadeedkii labada Golle Baarlamaan (Guurtida iyo Wakiillada) u jeedinayaa ayaad tidhi: “Kordhin danbe ha ka welwelina aniga(SIILAANYO) Saacad lay kordhin-maayo, imikana shantii sanadood ee codka lagu siiyay way dhamaatay, saacadana hadalkaaga hore adiga buriyay, markaa waxa noo dhaantay adiga oo runta noo sheega oo na yidhaahda: Intaad ku wareegayso xeer ayaa la sameyn-waayay iyo hawlaha oo aad iska riixdo inaad na tidhaahdo ‘Nin odaya oo muddo dheerna halgan iyo Mucaarid ku soo jiray ayaan ahay,Wax baddana waan qabtay wax baddan oo kale-na inaan qabto ayaan doonayaa, sidaa darteed doorashooyinka hadal-heyntooda inaga yar joojiya. Waxaanu qaadi lahayn “Dhabaddii Caddayd cagta saarnay”, Mucaaridkana waxaan odhan lahayn adeer nin la taariikh ahi-ba idinkuma jiree dib-u-fadhiista, laakin maad-yeelin waxaana maalinkasta sii kordha markasta oo ay doorashadu dib-u-sii dhacdo taariikhdaadu u baddanaysa dhinaca madow, oo adiga ayaa (SIILAANYO) is-masaxaya. Waxaan ku soo uruurinaynaa intaad iska fogeyso qolooyinkan kursiga ku xeeran ee adiga iyo kii ka horeeyey-ba (Rayaale) hareero fadhiyay, ka kaa danbeeyana cunaha kaga uruuri doona is-weydii halka aad taagan tahay!, talaabooyinka aad soo qaaday, Iyo kuwa ku hadhay in yarna dhageyso dadka dibadda taagan ee ay lexe-jecladu ka hayso.
Mustafe-Jannaale-213×300 Tifaftitaha Shabakada Hayaannews Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale) Hayaannews/Office Hargeysa.Somaliland Email:janaale94@gmail.com Related posts:Warbixinta Golaha Wakiilada Ee Musuq-Maasuqa: Warbixin La Yaab Badan … Iyo Waraysi Ka Sii Yaab Badan... Isbar bar dhig Ku Saabsan Waxqabadka Boqolka Cisho Ee Ugu Horeeyay Ee Labada Madaxweyne ee Axmed Sii... Maskaxda Ruuxa Qoraaga Ahi Waa Beer Weyn oo Kale Wax Kasta oo Nimco Ay Ku Yaaliin, Kolba Intuu Soo G... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|