|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Maxaad Runta Noogu Sheegi-wayday! Mustafe-Janaale
August 4, 2015 - Written by Editor:In Baddan waxaan maqlaa xukuumaddu wax ayay qabatay, waxaanan is-weydiiyey taageerayaasha KULMIYAHA Madaxtooyadu sababta ay u xusuusan la’a yihiin in sababta meesha loo keenayba ay tahay inuu wax-qabto, iyo inaanu wada rumayn filashadii ay qabteen is-bedel doonku 2010 codka ku taageeray. Intaas aan gogol xaadh ka dhigto, oo aan u soo dego u-jeedada qormadan oo aan idhaahdo Madaxweyne intii aad mucaaridka ahayd in baddan iyo in baddan ku arkay adiga oo la yaaban- aadna uga fikiraya Sababta uu Daahir Rayaale Kursiga Madaxweynaha isugu sii dhajinayo ee uu u doonayay muddo kordhinta, waxaad balanqaaday wakhtigaasi haddii aad talada waddanka qabato inay xukuumaddadu ay ku shaqeynayso nidaamka dimuqraadiga, oo marka dalkeena loo eego doorashada ku biyo shubta,haddii-ba la xusi lahaa wax-qabad aad ku talaabsatay waxay meesha ka saaraysa dib-u-dhaca doorashada oo muujinayaa in balanqaadyadii aad ololaha ku gashay iska ahaayeen uun soo jiidasho. Maxaan-ba taa hore u tiigsani adiga oo khudbad sanadeedkii labada Golle Baarlamaan (Guurtida iyo Wakiillada) u jeedinayaa ayaad tidhi: “Kordhin danbe ha ka welwelina aniga(SIILAANYO) Saacad lay kordhin-maayo, imikana shantii sanadood ee codka lagu siiyay way dhamaatay, saacadana hadalkaaga hore adiga buriyay, markaa waxa noo dhaantay adiga oo runta noo sheega oo na yidhaahda: Intaad ku wareegayso xeer ayaa la sameyn-waayay iyo hawlaha oo aad iska riixdo inaad na tidhaahdo ‘Nin odaya oo muddo dheerna halgan iyo Mucaarid ku soo jiray ayaan ahay,Wax baddana waan qabtay wax baddan oo kale-na inaan qabto ayaan doonayaa, sidaa darteed doorashooyinka hadal-heyntooda inaga yar joojiya. Waxaanu qaadi lahayn “Dhabaddii Caddayd cagta saarnay”, Mucaaridkana waxaan odhan lahayn adeer nin la taariikh ahi-ba idinkuma jiree dib-u-fadhiista, laakin maad-yeelin waxaana maalinkasta sii kordha markasta oo ay doorashadu dib-u-sii dhacdo taariikhdaadu u baddanaysa dhinaca madow, oo adiga ayaa (SIILAANYO) is-masaxaya. Waxaan ku soo uruurinaynaa intaad iska fogeyso qolooyinkan kursiga ku xeeran ee adiga iyo kii ka horeeyey-ba (Rayaale) hareero fadhiyay, ka kaa danbeeyana cunaha kaga uruuri doona is-weydii halka aad taagan tahay!, talaabooyinka aad soo qaaday, Iyo kuwa ku hadhay in yarna dhageyso dadka dibadda taagan ee ay lexe-jecladu ka hayso.
Mustafe-Jannaale-213×300 Tifaftitaha Shabakada Hayaannews Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale) Hayaannews/Office Hargeysa.Somaliland Email:janaale94@gmail.com Related posts:100 Maalmood Ee UHoreeyey Muddo-xileedkooda Waxay Muujiyeen U-heelannaanta Waxqabadka ay ku Talo Jir... “Wuxuu U Xidhan Yahay Maxamed Baashe Xaji Xasan Afar Qof Oo Casaabad Ah Oo Dhalashada UK Haysta”. Aq... Xuseen Carab Ciise Oo Hore U Ahaan Jiray Ra’isal Wasaare Ku Xigeen Ahna Wasiirka Gaashaandhiga Somal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|