Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti Kuwait Ka Socda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti Kuwait Ka Socda
August 23, 2015 - Written by Editor:

Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxaned Siilaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wafti ka socday  dalka kuwait oo uu hogaaminaayey madaxa hay”adda samofalka  kuwait fan oo uu hogaaminaayey Sacad Al Cuyabi oo madax u ah in ka badan afartan dawladood.

DSC_0047 DSC_0028

mudadii kulankaasi socday waxa lagu lafa guray sidii door wax ku ool ah ay hay”adani samafalka ahi uga qayb qaadan lahayd caawinta iyo dardargalinta shacabka ee Somaliland gaar ahaana dadkii ay abaaruhu ku dhufteen ee galbeedka iyo waqooyiga dalka.

waxaana markii shirkaasi laga soo baxay  sidaa warbaahinta u sheegtay maareyaha xafiiska samofalka.

madaxa waftigan kuwait fan sacad al cuyabi oo isna ka hadlay ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen madaxwaynaha ay kaga hadleen siddii hay”adani ay u xoojin lahayd kaalmooyinka horumarineed ee ay ugu talogaleen shacabka Somaliland waxaanu iftiimiyey in hay”adani dhistay dugsiyada waxbarashada agoomaha ee ku yaala bariga hargaysa waxa kale oo uu tilmaamay in uu hada socdo dugsigii hablaha ee agoomaha oo isla dugsigaasi inamada ka soo horjeedda.

DSC_0047

Gebagebdii waxa uu madaxwaynaha uga mahad ceyey soo dhawaynta diiran ee uu kala kulmay shacbiga iyo Dawladaba.

 

 

COMMENTS
LINKS