Madaxweynaha Somalia oo Safar ku tagay Degmada Diinsoor Ee Gobolka Bay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somalia oo Safar ku tagay Degmada Diinsoor Ee Gobolka Bay
August 26, 2015 - Written by Editor:

BAY(Wajaalenews) Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa  Gaadha y Degmada Diinsoor ee Gobalka Bay oo bishii hore laga qabsaday Xarakada Al-shabaab.

Xasan_Sheekh_

Wafdiga la socda Madaxweyne Xasan ayaa waxaa ka mid ah; Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wafdiga Madaxweynaha ayaa la sheegay inay qayb ka hay’adaha samafalka ee ka howlgala Somalia, kuwaasoo la sheegay inay u kuur-geli doonaan xaaladda nololeed ee xilligan ka jirta degmada Diinsoor.

Xasan Shiikh ayaa la kulmi doona saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM sidoo kale Waxaa la filayaa inuu kulammo la Qaato Waxgaradka iyo Bulshada Degmadaas ku nool.

Ciidammo gaar ah oo isugu jira kuwa Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la geeyay Degmada Diinsoor, kuwaasoo la sheegay inay ilaalin doonaan amniga wafdiga uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Somalia inta ay ku sugan yihiin Magaalada Diinsoor.

Degmada Diinsoor ee Gobalka Baay ayaa 24-kii bishii hore ee July laga saaray Al-shabaab oo muddo Sannado ah ka talinaysay, iyadoo haatan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu  Madaxweynaha Somalia degmadaas ku tago tan iyo markii laga Qabsaday Al-shabaab, iyadoo aan la sheegin magaalada kale ee uu Madaxweynuhu booqan doono.

 

COMMENTS
LINKS