|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl , Mudane. siilaanyo Oo Sidii Caadada U Ahayd Gudi U Magacabay Arimaha Dhulka
August 20, 2015 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/MG/081/1-3495/082015 ku magacaabay guddida Hawlsha Diyaarinta Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka oo ka kooban 12 wasiir. Digreetada madaxweynaha:- Ujeeddo: Magacaabid Guddi Ku: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reermiyiga Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ku: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Ku: Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka Ku: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Ku: Wasiirka Wasaaradda Beeraha Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Ku: Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Ku: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Ku: Wasiirka Wasaaradda Biyaha Ku: Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, ee uu dhigayo Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, dhulku waa hanti guud oo ka dhexeeya ummadda, mas’uuliyadiisana dawladda ayaa xil ka saaran yahay.
Haddaba, waxa muuqata in dhulkii Jamhuuriyadda Somaliland si sharciga baalmarsan loogu tagrifalayo. Sidaas darteed, waxaan idiin magacaabay Guddida Diyaarinta Qabyo-qoraalka Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka Somaliland. Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan Hawlsha Diyaarinta Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka.
ALLAA MAHAD LEH Axmed Saleebaan Dhuxul Afhayeenka Madaxtooyada JSL Related posts:“Dhulka Uu Macalin Mohamed Ka Hadlay Waxa Aan Iibsaday 2008, Hooyadii Ayaana Iga Iibsatay 2013” Siya... DAAWO ; Abwaan Gabay ku Dhaliilay Xukuumada Siilaanyo Iyo Siday Dalkii U Boobtay (Daahir Waa Salee... "Ismaan Lahayn Waxaad Noqon Doontaa Dhakhtar, Ismana lahayn Waxaad Noqon Doontaa Wasiir.."Dr Edna Ad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|