|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL Mudane, Oo Tacsi u Diray Shacbiga Somaliland Isaga Oo ka Tacsiyadaynaaya geerida ku Timid MARXUUM Xaaji Daahir Cilmi Ducaale.
August 30, 2015 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Xaaji Daahir Cilmi Ducaale oo ahaa tiir ka mida tiirarka uu qarankani ku faani jiray, maanta oo ay taariikhdu tahay 30/08/2015 ku geeriyooday Magaalada Boorama.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay oday dalka iyo qaranba ku dhexleh taariikh iyo magac, kana mid ahaa odayaashii u horeeyey ee u guntaday sidii qaranka Somaliland dhidibada loogu taagi lahaa, isaga oo ka soo shaqeeyey shirarkii taariikhiga ahaa ee Somaliland ku muujisay gooni isu taageeda nabadayntii, iyo dib u dhiskii dalka. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka, iyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku. waxaanu madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, qaranka somaliland, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|