Madaxwayne Shacabku Waxay Kaa Sugayaan Inaad Ka Jawaabto Dilalkan Soo Noqnoqday Ee Lagu Bartilmaameed Sanayo Muwaadniinta. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Shacabku Waxay Kaa Sugayaan Inaad Ka Jawaabto Dilalkan Soo Noqnoqday Ee Lagu Bartilmaameed Sanayo Muwaadniinta.
August 17, 2015 - Written by Editor:

.Waa Nasiib Darro, In Taliyihii Ciidanka Booliisku Uu Ku Tilmaamo Dhismashadda Muwaadiniinta Inay Ahayd Shil Dhacay,

.Muddane Madaxwayne , Waa Lagu Tabayaa, Shacabku Waxay Xasuusan Yihiin, Dhacdadii Madaxwayne Daahir Riyaale, Xilka Kaga Qaaday   Taliyihii Bileyska Iyo Wasiirki Arimaha Guddaha.

.Waa In Tallaabo Sharci Laga Qaado Wasiirka Arimaha Guddaha Iyo Wasiir ku xiggeenka Amniga Oo Awoodoodii Dastuurka Si Qaldan U Adeegsaday.

HARGAYSA(Wajaalenews) Siyaasi Maxamed Cabdikariim oo Kamida Aqoonyahanka Reer Somaliland  Ismarkaa aad u falanqeeya siyaasada somaliland ayaa si qoto dheer uga hadlay dhacdooyinka dilalka ee dadka shacabka ay u gaysteen ciidamada booliska isagoo   fariin adagna udiray Madaxwayne Siilaanyo taasi uu ka dalbay in uu bulshada u cadeeyo dilalka shacabka Aan waxba gaysan meel adagna iska taago isagoo xusay in uu Talaabo ka qaado Masuuliyinta LAAMAHA AMAANKA,

Hadaba Qaraalka  uu Arimahaasi kaga hadlayo oo Nuqulkamida ahi soo gaadhay Shabakada Wararka Ee Wajaalenews, ayaa wuxu Udhignaa Sidan.;

Dhacdooyinkaa Argagaxa iyo Murugadda badan, ee lagu madoobeeyay mustaqbalka dhalinyar aan qaangaadh ahayni, una hanwaynaa qarankooga, Kuna baxay gacantii dawladdoodda, difaaci lahayd naftooda, waa hadhaagii badda ka soo hadhay, oo la banaysatay daadinta dhiigoodda si loo barakiciyo, baddahana ugu hoobtaan.

Abwaan weedhsamaa lahaa “Gurboodkeena  gaajada qabee wadda galiilyaysan,

galaa yuuska ciilkiyo , ilmada dhabanku gawl gawshay,

raga gabanadoodii dirtee yurubta sii gaystay,

guno iyo waxay moodayaan lama garaystaane,

geeridda barbartiyo shilkaa maanta herar gaadhay

, dhalintiyo gashaantimo rasaas loogu guday qaanta,

gaankii ka soo hadhay baddaad sii ganbiyaysaane,

ginidii cashuurtaa xabaal loogu gadayaaye,

gumaadaye ku geesaas, nabsaan ganay falaadhiiye

Dhalinyaradda Somaliland, waxay la tabaalaysan yihiin, duruufo dhaqan dhaqaale, waxbarasho, caafimaad iyo mid nololeed, waa cuddudii iyo xooggii mustaqbalka qaranka,  Khayraad waddan leeyahay waxa ugu qaalisan  ‘Human capital’,  Maaha dahabka iyo lacagta, Aduunyaddu waxay maalgalin ku samaysaa Shacabkeedda  si horumar bulsho iyo mid qaran loo gaadho.

Dhalinyaradda Somaliland waxa ku habsaday niyad jab, rajo la’aan iyo werwer ay ka qabaan mustaqbalkooda. Inta baddan tahriib ayay miciinsadaan, halka qaarbadanina ay nolosha ka dhacaan, faldambiyeedyana jeelasha uga buuxaan, ma helaan fursadihii ay ku helilahaayeen xirfado, sidoo kale ma arkaan siyaasad cad oo qarankani loogu jaangooyay in dhalinyaradda lagu barbar galo. Dhacdooyinkan lagu bartilmaameedsaday dhalinyaraddu waa qaar abuuraya in caddaawad ka dhex abuuranto booliska iyo shacabka,  halku dhigyadda ciidanku adeegsadaan ayaa ah ‘ booliisku waa saaxiibka dadwaynaha’’ balse marka dhacdooyinkan oo kale dhacaan, waxay ahayd in dareen isku mid ah lagu qaabilo.. madaxwaynaha qarankuna Noqdo,qofka ugu horeeya ee ka hadla , kana tacsiyadeeya ehelada. Kana hawlgala sii laamaha amaanku uga jawaabi lahaayeen, meelna u saari lahaayeen sababta dhabta ah ee keentay, balse nasiib daro may dhicin

Xubinta 3aad Ee dastuurka qaranka, qodobkiisa 24aad, farqadiisa 3aad Iyo 4aad waxay si buuxda u qeexayaan, nabadgalyadda muwaadinka iyo xuquuqdiisa dhawritaan oo dhan,.

Habacsanaanta laamaha amaanka, iyo xilgudasho la’aanta wasaaradda arimaha gudaha iyo awoodaha sidda qaldan ay u adeegsanayaan taliyayaasha saldhigyadu, waxay sababaysaa in nabadgalyada dhaawac soo gaadho, muwaadiniintuna ay ku waayaan nafahoodda

Amarka wasiirka arrimaha Gudaha iyo Wasiir ku xiggeenka amnigu ay ku bixiyeen in askartu is difaacdo oo ay layso shacabka maatadda ah ee aan hubaysanayn waa kasgaabni iyo aqoon darro shuruucda waddanka ka haysata iyo xuquuqda ay muwaadiniintu leeyihiin, Wasiirku wuxu jabiyay dastuurkii qaranka iyo  xeerka ciidanka booliska, waxay ku gafeen xuquuqdii muwaadiniinta.

Xeerka booliska, qodobkiisa 3aad , ee hadafka xeerku wuxuu dhigayaa:- In kor loo qaado lana tayeeyo kartida Ciidanka Booliiska Somaliland iyo adeegyada bulsho ee ay Qaranka ugu xilsaaran yihiin.

Xeerka booliska , qodobkiisa 12aad, oo awooddo baddan siinaya, wasaaradda arimaha gudaha, haday tahay baddalaad, kala talin madaxwayne xilka qadisata taliyahaasha iyo ku xigeenaddaba, farqadiisa 2aad iyo 4aad waxay si gaara u xusaysaa. Wasaaradda Arrimaha Guduhu inay u xilsaaran tahay tayaynta, dib u habaynta iyo horumarinta Ciidanka Booliiska Somaliland. Wasaaradda Arrimaha Guduhu waa in ay dejisaa qorshe ay xubnaha Booliiska ugu raadinayso Tababaro dibadeed, Aqoon-dirsad iyo Waxbarasho Gudaha iyo dibedaba ah.

Dhibta dhacday ee lagu waxyeeleeyay caruur ciyaalo iskuul ah iyo dilalkii kala duwanaa ee ka dhacayay magaalooyinka waawayni, waxay dusha ka saaran yihiin wasiirka arrimaha guddaha iyo taliyaha ciidanka booliska oo aan marnaba bulshadda u soo bandhigin siddii ay sixitaan u samaynlahaayeen , inaan dilalkani soo noq noqon

Waa nasiib darro, in Taliyihii booliisku uu ku tilmaamo dhismashadda muwaadiniinta inay ahayd shil dhacay, Marnaba muu xusin in talaabo laga qaadi doono askari kasta oo gaf kula kacay muwaadiniinta, kuna gafay xuquuqdii asaasiga ahayd.

Saldhigyadda magaaladda hargaysi waxay noqdeen xarun ganacsi, iyo sayladdo dadka lagu baadho, way jiraan askar wanaagsan oo sharciyadda dhawra, bulshaddana taban taabiya, shacabkuna ku xisaabtamaan, balse inta baddan waxay ku dhax milmeen, muramada dhulka, sidoo kalena waa goobo hanti baddan lagaga urursaddo bulshadda , laguna dhibaateeyo, waana halka caddalad daradda, wanjalaadaha iyo musuquba ka soo bilaabmaan.

Qaybta 3aad Ee dastuurka, xubintiisa 2aad, qodobkiisa 90aad, ee Awoodaha madawweynuhu, wuxuu sheegayaa, inuu madaxwaynuhu yahay, madaxa qaranka iyo dawladda, yahayna astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu u xilsaaan yahay daryeelka haybadda dalka, ilaalinta nabadgelyada,  Haddaba farqada 4aad ee awoodaha madaxwaynahu ee dastuurka jamhuriyada Somaliland iyo Qodobka 12aad ee Xeerka booliska, cutubkiisa saddexaad, waxay sheegayaan, In madaxwaynuhu yahay hoggamiyaha ciidamada qaranka (commander in chief), sidaa daraadeed, dhibkaa iyo dhibatooyinkaas dhacaya oo dhan, madaxwaynihii qaranku kamuu haddal, warsaxafadeed kamuu soo saarin, hayadihii nabadgalyadda iyo Arimaha guddaha wax qoraala oo lagu farayo inay dag dag baadhitaan ku soo sameeyaan muu samayn, si shacabku ugu niyad samaadaan.      Waa xilgudasho la’aan masuuliyadeed

Madaxwayne Waxaan ku xasuusinaynaa in ay dhalinyaraddu ahaayeen, kuwii shallay isbadalka horseeday, kuwii shalay ku garabtaagnaa ee aad ku lahayd, UDUB way tagiye ha tahriibina.

Madaxwayne barnaamij siyaasadeedkii aad ku soo baxday, xutubka dhalinyaradda ka hadlaya waxaad ku sheegtay, in dhalinyaradu yihiin madaxdii berrito, yihiin xooggii maanta, wadan walbaana horumarkiisa laga garto sidda uu ugu tabcayo dhalinyaradiisa. Mudane Madaxwayne, dhibaatooyinka aad tilmaantay in ay dhalinyaradda soo wajahday waxa ka mid ahaa, in dhalinyarada Somaliland ay ku habsatay niyad jab, rajo la’aan iyo werwer ay ka qabaan mustaqbalkooda,

Mudane madaxwayne, Waxaan kugu baaqaynaa in baadhitaan balaadhan lagu sameeyo, dilalkan soo noq noqonayaa si qarankani uga gaashanto dhibaato hor leh oo dhacda, in tallaabo sharci laga qaado wasiirka arimaha guddaha iyo wasiir ku xiggeenka amniga oo awoodoodii dastuurki si qaldan u adeegsaday iyagoo faray askarta inay xabad u adeegsadaan shacabka. Mudane madaxwayne, waa in su’aalo dag daga laga waydiiyaa dhacdooyinkan, taliyaha booliska, iyo taliyaayasha saldhigyadda amray dhacdooyinkan u dambeeyay.

Muddane madaxwayne , waa lagu tabayaa, shacabku waxay xasuusan yihiin, dhacdadii madaxwayne daahir riyaale, xilka kaga qaaday  General Cige oo ahaa taliyihii bileyska iyo Wasiirki arimaha guddaha ee wakhtigaas, Ismaaciil Aadan Cismaan, markii koox ciiddanka ka mid ahi ay  mudaharaad cabasho ah sameeyeen, xaaladdaas oo ka  fududayd dhacdooyinkan maanta ee ah in xabad beerka iyo madaxa lagala dhaco caruurt  ayaa waxa muuqata, in aanad wax talaabo ah ka qaadin habayaratee,, shacabkuna kaa dhursugayaan.

 

SIYAASI MAXAMED CABDIKARIIM CUMAR

 

COMMENTS
LINKS