Madaxtooyada Somaliland oo Caawa Casuumad Usamaysay kumanaan Qurba jooga ah Halka Abaaro ba,an kajira G, Galbeedka.Iyo Qadarka Lacagta ku baxday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxtooyada Somaliland oo Caawa Casuumad Usamaysay kumanaan Qurba jooga ah Halka Abaaro ba,an kajira G, Galbeedka.Iyo Qadarka Lacagta ku baxday.
August 7, 2015 - Written by Editor:

(Biyaha Xaga Danbe Ayaan Idinka Siindoonaa Xidhidhiyaha xaflada Muniir)

Badhaadhaha madaxtooyada iyo balan balka biyo la,aanta bulshada reer somaliland laba aan isqaban.

 

HARGAYSA(Wajaalenews) xukuumada uu madaxwayane siilaanyo gadhwadeenka ka yahay  ayaa caawa waxay casumad u fidisay qurba joogta somaliland oo kakala yimid qaarada yurub, america iyo guud ahaanba daafaha dunida.

biyo la,aan iyo casuumad

casuumadan ay xukuumadu u fidisay qurba joogta ayaa caawa ka socota huteel guuleed iyadoo  ay kasoo qayb galeen masuuliyiin dawlda ah oo ay kamid yihiin wasiiro, agaasimayaal iyo badi madaxda dawladu.

casuumadan xukuumadu fidisay ayaa waxaa ku bixi doona kharash aad u badan, iyada oo aanay ilaa hadaba waxaan  cadayn u jeedada rasmiga ah ee uu ay daaran tahay casuumadani balse ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa wajaalenews u sheegay in xukuumadu uga faa idaysanaso hab olole  taageero loogu raadinayo xukuumada axmed siilaanyo iyo xisbiga kulmiye.

casuumadan miisaan ka leh ee kharashkeega leh ayaa kusoo beegantay xili ay abaaro ba,ani kajiraan wadanka gaar ahaan gobolada galbeedka  iyada oo mudooyinkan u danbeeyay uu socday biyo dhaamis xoogleh oo loogu gurmanayo dadkaa abaaruhu saameeyeen.

hadaba kharashka casuumadan casho sharafta ah ayaa kor u dhaafaya ugu yaraan 48000$ dolar halka kharaashaadka kooxo fanaaniina oo xaflada loosoo kireeyayna ay ku baxday 3200$dolar iyada oo ay taasi dheer tahay tilifishanada sida tooska ah usoo gudbimaya xafladan oo ay ku baxday qadar lacageed oo aad u badan taasi oo si toos ah uga bixi doonta khasnada dawlada.

kharashka intan leeg ee siyaasadaysan ayaa kharashka ku baxayaa wax wayn katari lahaa abaaraha biyo dhaamiska ah ee kasocda gobolada galbeedka sida gobolada Gabilay,Awdal iyo salal iyada oo ay dhawaan ugu dhinteen haraad 7 qof gobolka salal,waxa kale oo xasuus mudan in magaalada hargeisa dhexdeeda ay kajirto biyo la,aan xoogan taasi oo foostada biyaha ah ka dhigtay 25000 shilin ayna badi bulshada kunool hargaysa ay dawarayaan biyaha.

casuumadan macneeheegu yahay wan waynbaan badhi ku shubay ayaa ku haboonaan lahayd in 54000$ in loogu dhaamiyo dadka abaaruhu saameeyeen taasi oo wax wayn ka tari lahayd abaaraha ba,an ee ku habsaday qaar kamida gobolada galbeedka somaliland.

ma aha markii u horaysay ee ay xukuumadani casuunto qurbo joogta somaliland balse laba sano kahor ayay ahayd markii uu madaxwaeyne siilaanyo u qabtay shir uu ugu qaybinayo dhul qurba joogta iyada uu inta badana uu madaxweyne siilaanyo xilalka u magacaabo dadka qurba joogta ah taasi oo dhiiri galin doonta tahriibta faraha baas ku haysa da,ayarta wadanka.

dhanka kale masuuliyiintii xafladan ka hadlay ee matalayay xukuumada ayaan gabi ahaanba soo qaadin wixii dalkan loosoo maray iyo halgankii mahadhooyinka lahaa ee lagu xoreeyay yagiga somalland

waxa kale oo xusid mudan in masuuliyiinta joogay aanu ku jirin cid wax ka ogayd amaba kamid ahayd muj dalka usoo halgay oo fursad u hayd in qurba joogta la xusuusiyo wixii dalkan looso maray si ay jiilka danbena wax uga ogaadaan taariikhdalka

sidoo kale waxaan lasoo qadin abaaraha ba,an ee ka jira somaliland

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL.WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
LINKS