LA YAAB!!:Qof Diyaarad Kaga Tagay Hal Milyan oo Dollar!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
LA YAAB!!:Qof Diyaarad Kaga Tagay Hal Milyan oo Dollar!!!
August 8, 2015 - Written by Editor:

Duuliyaha diyaaradda ayaa lacagtaasi helay, wuxuuna ku wareejiyay lacagta maamulka dalka Angola.

Waa sharcidaro in lacag intaa leeg lagu safriyo dunida oo dhan iyo dalkaasi gudihiisa ama laga gudbiyo xuduud.

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliska dalkaasi Angola oo lagu magacaabo, Aristófanes dos Santos, ayaa waxa uu sheegay in lacag gaareysa 1,032,000 oo dollarka Mareykanka ah in la helay waxyar ka hor intaysan diyaaradda ka kicin garoonka caalamiga ah ee Luanda.

Boorsada ay lacagtan ku jirtay waxaa laga helay meel u dhow mid ka mid ah kuraasta qeybta Business class ka ee diyaaradda.

Mr dos Santos ayaa sheegay in duuliyaha diyaaradda uu sidegdeg ah arrinta ugu wargeliyay ciidamada amniga ee garoonka, kuwaas oo illaa iyo hadda isku deyaaya inay helaan qofka leh lacagtan.

Afhayeenkan u hadlay Booliska waxa uu tilmaamay in baaritaan hadda ay bilaabeen si ay u helaan meesha asal ahaan lacagtan ay ka timi.

Lacagtan faraha badan ayaa waxa jahwareer gelisay dalka Angola, sharciga dalkaasi ayaana dhigaya qofkii lagu arko asigoo lacag intaa la eg boors ku sita in la xiro oo la ganaaxo.

Dadka arrimaha dhaqaalaha ku taqasusay waxa ay sheegayaan, qofkii lacagtaas soo sheegta inaan loo celindoonin oo uu heli kar oo keli ah 1.5 boqolkiiba.

Wuxuuna wajihi doonaa dembiyo la xiriira qaadidad lacag sharcidaro ah iyo jebinta shuruucda dalka.

COMMENTS
LINKS