Khilaafka Xeerka Doorashada Baarlamaanku Waa Kubad Siyaasadeed Oo Lagu Carqaladaynayo In Dalkan Doorasho ka Dhacdo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khilaafka Xeerka Doorashada Baarlamaanku Waa Kubad Siyaasadeed Oo Lagu Carqaladaynayo In Dalkan Doorasho ka Dhacdo.
August 17, 2015 - Written by Editor:

“khilaafkan waxaan u arkaa kubad siyaasadeed oo la hordhigayo in dalkan ay ka dhacdo doorasho, waana mashruuc ka mid ah mashaariicda dib udhaca doorashooyinka kaasi oo si hoose ay u bixiso xukuumada M/weyne siilaanyo”

Waxa maalmahanba soo baxayay khilaaf hor leh oo u dhexeeya mudanaaysha golaha wakiilada,  kaasoo salka ku haya sidii loo waajihi lahaa Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada oo ilaa hada qabyo ah, xeerkan oo lagu doortay golahan 2005, waxa uu ahaa ku meel gaadh kaliya in mar qudha la isticmaalo, wixii ka danbeeyana la sameeyo xeer cusub, dalkana laga hirgaliyo tiro koob rasmi ah  si gobol walba u helo saamigii uu xaqa u lahaa ee kuraasta 82 ka ah ee Golaha Wakiilada JSL.

Laba Arimood Ayaan Dul istaagi lahaa:-

Maxaa keenay in Maanta Laysku Khilaafo Xeerkan:- laga bilaabo maalintii golahan la doortay 29 sept.2005, waxay ahayd hawl laga sugayay in la sameeyo xeerkan iyagoo golahan ku fadhiyo 5 sano iyo dheeraad sharci daro ah, mudadaa shaqadii ay ku qaban waayeen waa nasiib daro inay maanta shacabka usoo bandhigaan khliaaf sheegaya xil gudasho la,aan ay wada leeyihiin dhamaan mudanayaasha golahu, waana dood waqtigii laga garniqi la,aa soo dhaaftay shacabkana waxaan usoo jeedinayaa waar yaan lagu kala qaybsamin nimanka aynu u dooranay inay ina matalaan iyadoo boqol baahiyood oo umadan haystaa ay jirto inay maanta ina yidhaahdaan xeerkii 10 sano ay samayn waayeen ayaanu isku khilaafnay waa ayaandaro shacabka ku habsatay, waa gole ku fashilmay xilkii ay umada u hayeen, maanta garan mayo wax alle way ay shacabka gashadeen ama lagu taageero niman garab maray wixii ay shaqadoodu ahayd.

Saamaynta khilaafkan ee dhanka doorashada:- runtii waxaan qabaa in arinkani yahay khilaaf siyaasadeed oo caqab ku ah qabsoomida doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada, taas oo carqalad lagalinayo xeerkan iyadoo la adeegsanayo mudanayaasha sida ka muuqata khilaafkan hada soo baxay, Xeerkan oo ah in gobol walba helo saamigii kuraasta Wakiilada way fiicantahay in gobol walba helo saamiga kuraasta xaqiisa iyadoo la sugayo marka hore tirade saxda ah ee bulshada ku nool gobolada JSL, TIRO-KOOB, hadaba waxa iswaydiin leh waqtigan suurto gal ma tahay in dalka laga sameeyo tiro koob, mudo intee le,eg ayay qaadanaysaa, waqtiga la haysto malagu samayn karaa Torakoob, su,aalahaa oo dhan waa qaar u baahan jawaabo, hadaba waxaan usoo jeedinayaa mudanayaasha  aamin san inaan doorasho la qaban Karin ilaa la helo tirokoob, adeer dalku adiga kuu xanibnaan maayo xeerka aad 10 sano ku samayn wayday ama aad ka hadli wayday waxa maanta aad uga hadashaa ma taalo nin shaqadii loo doortay ku fashilmay inuu maantana yidhaahdo aan sii joogo ilaa tirokoob la helayo waa dood aan soconayn, shacabkuna waxay keensan doonaan qaar idinka idin dhaama, xeerkana sameeya kana shaqeeya baahida  umada, laakiin khilaafkan waxaan u arkaa kubad siyaasadeed oo la hordhigayo in dalkan ay ka dhacdo doorasho, waana mashruuc ka mid ah mashaariicda dib udhaca doorashooyinka kaasi oo si hoose ay u bixiso xukuumada m/weyne siilaanyo.

 

Alaa mahad leh

Maxamed Adan Dubad

Gacayte09@hotmail.com

Falanqeeya arimaha siyaasada somaliland

Hargeisa Somaliland

COMMENTS
LINKS