Jaamacadii Hargeysa Oo Maanta Dib Loo Furay Iyo Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jaamacadii Hargeysa Oo Maanta Dib Loo Furay Iyo Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay
August 8, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews)-Jaamacada Hargeysa oo mudo u xidhnay rabshado hadheeyay ayaa maanta dib loo furay kadib markii xal laga gaadhay khilaaf mudo soo jiitamay oo ay jaamacadu u xidhnayd.

Guddi uu madaxwayne Siilaanyo u xilsaaray xalinta khilaafka jaamacada ayaa go’aamo lix ah kasoo saaray khilaafkaasi Todobaadkii tagey, isla markaana caydhiyay dhinacyadii ku hirdamayay jaamacada,iyadoo gudidaasina sheegtay in jaamacada dib loo furayo maalinta sabtida.

Arday iyo macalimiinta ka hawlgasha ayaa maanta dib u bilaabay waxbarashadii,waxaana saxaafada uga warbixiyay furitaanka jaamacada Wasiirka qorsheynta Dr Sacad Cali Shire.

“maanta oo ah sabti bishuna tahay 8 August ayaa la furay jaamacadii sidii aanu maalintii dhaweyba iclaaminay, Macalimiintii iyo ardaydiiba way kusoo noqdeen,guddomiyihii cusbaana hawshiisii wuu bilaabay waxaanu rajeynaynaa inay noqoto markii ugu dambaysay ee ay jaamacadu khilaaf inooga xidhanto”Ayuu Yidhi Sacad Cali Shire.

Dr Sacad Cali Shire waxaa uu sheegay in jaamacada hargeysa ay tahay jaamacad qaran isla markaana aanay laheyn shakhsi,qabiil iyo xaafad midna, isagoo carabka ku dhuftay in go’aanka lagu xaliyay khilaafka jaamacadu uu ka yimid madaxwaynaha Somaliland.

“Jaamacadu waa mid qaran,malaha shakhsi,qabiil iyo xaafadtoona waa jaamacadii qaranka in la ilaaliyo ayaa inagu waajib. Go’aanka aanu qaadanay waa mid madaxtooyo, waxaa uu ka yimid madaxwaynaha ku xigeenkiisa mana aha mid anaga oo kaliya naga yimid”Ayuu Yidhi Sacad Cali Shire.

Wasiirka Qorsheyntu waxaa iska fogeeyay eedeyn maalmihii u dambeeyay uga yimid hormuudka kuliyada sayniska oo jaamacada laga caydhiyay “Horta qofku wuxuu uurka ka yahay way kasoo baxdaa oo way ka muuqataa,anigu daalinimadu waxay ka muuqan lahayd shaqadayda iyo dushayda, midna kama muuqato, waa shakhsi weerar,waa magac dil ,waa fadeexad caalamka oo dhana waa laga riday arinkaasina waxaan magan uga ahay sharciga wadanka”Ayuu Yidhi Sacad Cali Shire.

 

Khilaafkan sababay in jaamacada la xidho,ayaa ka dhexeeyay guddoomiyaha, ku xigeenkiisa iyo madaxda kuliyada sayniska ,ganacsiga.

 

COMMENTS
LINKS