Iscasiladii Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta Oo Qayb ka ah Maamul Xumada Iyo Musuq Maasuqa ku Habsaday Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Iscasiladii Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta Oo Qayb ka ah Maamul Xumada Iyo Musuq Maasuqa ku Habsaday Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF)
August 15, 2015 - Written by Editor:

Wasiir_ku_xigeenkii_Qorsheynta_Somaliland_660“Waxaan u gacan banaanaanayaa inaan ka shaqeeyo dhibaatada Qabyaaladda iyo inay dadweynuhu u sinaadaan khayraadka Dalka”

“Waxaan ka soo jeedaa Qoys ka dagaalamay Qabyaaladdii iyo maamul xumadii lagu sameeyey dadka Reer Somaliland” C/kariin Axmed Mooge

Hargeysa(Wajaalenews) Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland C/kariin Axmed Mooge oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu da’da yaraa Golaha Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa toddobaadkii hore iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumadda isagoo sheegay in uu u ban baxayo in uu ka shaqeeyo suulinta Qabyaaladda iyo in uu u ololeeyo inay dadweynuhu si siman u helaan khayraadka Dalka.

C/kariin Axmed Mooge waxa uu sidoo kale iscasilaadiisa u sibir saaray in uu ka soo jeedo Qoys Halgankii dib u xarroynta Somaliland kaalin weyn ku lahaa isagoo sheegayu inaanu marnaba dayaci doonin wixii Qoyskoodu ku soo barbaariyeen.

Labada Odhaahood ee uu is barkiyey ayay dadweynaha Reer Somaliland ee falanqeeya arrimaha Siyaasadda Xukuumadda Kulmiye faaqideen, waxaanay koox kastaa u qaadatay sida ay u aragto qoddobada uu iscasilaadiisa u cuskaday.

Inta badan Siyaasiyiinta dhawrsoon ee aan jeclayn inay dhaleeceeyaan ama soo bandhigaan siraha Xukuumadda ay ka tirsanaayeen waxay ku af-gobaadsadaan waxaan isku casilay inaan u madax banaanaado arrimo ii gaar ah ama xaalad caafimaad, dooda caynkaas ah dad badan ayaa ka dheregsan oo ku naqdiya masuuliyiinta qaabkaas uga baxa su’aasha laga weydiiyo sababta iscasilaadiisa kuwo iska liqay waxay soo arkeen.

Sidoo kale, kuwa ay cadhadu madax martay ee doonaya inay dagaal la galaan xukuumadda ay ka tirsanaayeen ee ka taga ama laga eryo ayaa yidhaahda sir baan hayaa iyo wax baan sheegayaa, hadana inta badan dhawaaqoodaasi waxa uu ku danbeeyaa uun af-gobaadsi.

Hase yeeshee labada eray ee Wasiir C/kariin kaga tagay xilka ayaa u muuqda kuwo xanbaarsanaa farriin ku socota Dadweynaha iyo Xukuumadda, tusaale ahaa sida ay dadka faaleeyey arrintaasi u arkaan hadalka ah waxaan la dagaalamayaa ama u ololaynayaa in la suuliyo qabyaaladda hadal weyn oo  muujinaya in ay jiraan arrimo uu qabyaalad ahaan u diiday oo ka dhex jira xukuumadda sida inta badan lagu eedeeyo isagoo taas u arkay inaanu ku shaqayn karayn nidaamkaasi.

Dhinaca kale-na hadalka kale ee uu ku ladhay ee ah in loo sinaado fursadaha dalka ka jira dhaqaale ahaan iyo Saami ahaan ayaa u muuqda kuwo iyana saamayn ku yeeshay xil gudashada shaqo ee laga filyey maadaama wasaaradda uu ka shaqaynayey ay ahayd wasaaradda qaranka u xilsaaran inay u qorshayso fursad kasta oo wax loogu qabanyo haddii ay tahay Dhaqaalaha Gudaha Dalka yaala ama khayraadkiisa iyo haddii ay tahay kuwa caawimada ah ee Dawladda Qaadhaan-bixiyayaasha ah.

Hadaba labada arrimood ee la dagaalanka Qabyaaladda iyo in loo sinaado fursadaha jira ayaa ah kuwo aad loo hadal hayo inay xukuumadda uu ka tirsanaa si ba’an u isticmaasho gaar ahaan waxa soo baxaya ifafaale muujinaya in Lixdankii Milyan ee ugu danbeeyey ee wasaaradda Qorshaynta Qaranku maamulaysay ee mashruuca Horumarinta Somaliland ee la yidhaa SDF uu u gacan galay qabiil kali ah ama haddii aan si kale u dhigno raas hoose oo gacanta ku dhigay dhamaan xilalkii iyo shaqooyinkii mashruucaas lagaga shaqayn lahaa.

Sidoo kale, sida soo baxaysa waxa iyana mashruucaas saameeyey inaanay bulshadii loogu talogalay u sinayn ka faa’iidaysashadiisa maadaama uu qabiil ama koox isku dan ah u gacan galay, taasoo sababtay in mashruucaas qaybo badan oo ka mid ah fashilmaan ama shaqadoodii socon weydo, halka qaarkood-na aan laba bilaabin, isagoo mashruucii gabogabo ku dhawyahay wakhtigii loo qoondeeyey lacagtiisiina dhamaatay.

Inkasta oo uu wasiir C/kariin sarbeebay arrimahan hadana waxa dhici karta sida doodaha iscasilaadiisa ka soo baxayaa iftiiminayaan inaanay labadan arrimood ee uu ka hadlay aanay ku koobnayn oo kali ah mashruucaas, hase yeeshee ay jiraan kuwo kale oo ay ka mid yihiin ilaha dhaqaale ee Dalka iyo xilalka qaranka sida uu ku tiraabay Xildhibaan Dheeg oo ay Beel isku mid ah aka soo jeedaan.

Tibaaxaha labadan hadal ee wasiirku ka hadleen ku qotoma ayaa sheegaya wasiir C/kariin in uu isku dayey in uu wax ka qabto musuq maasuqa ka taagan mashruuca ay wasaaradiisu gacanta ku hayso ee SDF, balse uu loodin kari waayey kooxda haysata iyo qorshaha loo qoondeeyey, kuwaas oo u muuqda kuwo ka horeeyey intii ana xilka loo magacaabin, oo heshiis lagu yahay in loo maamulo sida uu isagu u arkay inaanay ahayn sidii haboonayd.

Xogaha kale ee iftiiminaya in uu C/kariin iska casilay fashilaada Mashruuca Sanduuqa Horumarinta waxay yihiin in kooxda sanduuqaas maamushaa la wareegtay xafiiskiisii, isagoo dibed wareeg ku ahaa wasaaradda uu masuulka ka ahaa oo lagu dul cunayo lixdan Milyan oo Doolar.

Sidoo kale, ceebaha soo baxaya ee ragaadiyey wasaaradda Qorshaynta ee aan ku koobnay wasiir C/kariin Axmed Mooge ayaa ah inay ka dareereen ama isaga carareen wasaaradda Qorshaynta Qaranka sagaal iyo labaatan Aqoonyahan kuwaas oo Imtixaan u galay inay ka shaqeeyaan balse markii ay ku shaqayn kari waayeen mushaharka kooban ee Dawladda isla markaana la dhagaysan waayey in laga guneeyo mashruucan lacagtiisa la cunayo suuqa iska galay.

Hadaba, haddii uu C/kariin Axmed Mooge uga tagay xilkiisii waxyaabaha uu arkay ma haboon tahay intaanu qabyaaladda iyo sinaan la’aanta kale ee aafaysay Qarankan ka hadal in uu dooxo cudurka ragaadiyey  mashruuca sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF si uu taageero uga helo siyaasiyiinta ama shaqaalaha kale ee afka xidhay ee aamusnaanta ku qaabilay musuq maasuqa hay’addaha Dawladda ka jira.

 

xigahso waheen

COMMENTS
LINKS