Hargeysa: 42 Marxuum Oo ka mid ah Shacabkii ay Xasuuqeen Ciidamadii Dawladii Siyaad Barre.oo Loo Sameeyay Aas Qaran. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hargeysa: 42 Marxuum Oo ka mid ah Shacabkii ay Xasuuqeen Ciidamadii Dawladii Siyaad Barre.oo Loo Sameeyay Aas Qaran.
August 24, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Waxa Maaanta Xabaalaha Biya Shiinaha ee duleedka Hargeysa  loogu sameeyay Aas Qaran 42 Marxuum oo ka mid ah Shacabkii ay Xasuuqday Ciidamadii Dawladii Siyaad Barre.

xasuuqii 4

42 Marxuum ayaa laga soos aaray Xabaal wadareed ku taala agagaarka Kaamka Biyo Shiinaha. Beebka Biyo Balaadhinta Caasimada Hargeysa, oo halkaasi la dhigayay ayaa laga helay xabaal wadareedkan oo ay ku jireen dadka xaddigaasi leh ee Nidaamkii Siyaad Barre xasuuqay.

xasuuqii 1

Wasiirada Caddaaladda, Warshadaha, Maayirka Caasimada, Guddomiyaha Xafiiska Baadhista xasuuqa, Culimo ka tirsan Wasaarada Diinta iyo Aw qaafta, Sheekh Aadan Siiro iyo Masuuliyiin kale oo badan oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qayb galay Aaska dadkaasi.

Masuuliyiintan ayaa ku dheeraaday murugada ay leedahay dhacdadan iyo xasuusta arxan darradii Maamulkii Siyaad Barre. Xukumadda ayaa marar badan soo bandhigtay xabaalo wadareedyo la helay, kuwaasi oo marag ka ah sida uu Maamulkii kali taliska ahaa ula dhaqmay Somaliland.

Waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay Ibraahin Siyaad Yoonis, Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa oo sharaxay siday u heleen Xabaasha “Waxaanu bilawnay biyo balaadhintii Hargeysa, markaa halkii Beebka la marin lahaa ayaanu ku aragnay Kuus yar oo aan xabaal u eekayn laakiin, meel yar oo ciidi tuulan tahay ah, markaa dadkii degaanka ayaa yidhi meeshaasi dad baa ku aasan oo marar bay lafahaasi soo baxaan, kadib waxaanu samaynay inaanu la xidhiidhno wasaaradda diinta iyo awqaafta iyo guddida xasuuqa”.

Waxaa sidoo kale laga soo saaray  xabaasha dadkaasi Maryihii ay xidhnaayeen iyo alaabooyinka ay siteen oo ay ka mid yihiin, Cadar, Fidhin, tusbax, weel cunto iyo walxo kale oo muujinaya sida dadkaasi u ahaayeen kuwo war moog ah oo aan wax dambi ah lagu qaban sida uu sheegay mujaahid Saleebaan Sallo oo ka mid ah Mujaahidiintii SNM, islamarkaana sharaxay waxyaabaha laga fahmi karo Alaabta wehelinaysay qalfoofka maydadkan.

“Dadka halkan lagu xasuuqay waxay ahaayeen dadkii ka cararayay madaafiicdii ka soo dhacayay Madaarka ee isku dayay inay badbaadan iyagoo xagga waqooyi magaalada uga soo baxay dabeedna lala soo daba galay Baroonka iyo diyaaraddaha duqaynayay ee South African-ku wadeen”, ayuu yidhi Guddoomiyaha guddida xasuuqa Khadar Like oo arrintan ka hadlay.

Sheekh Aadan Siiro, ayaa isna sheegay in sida nasuustu tilmaamayso ay dadkaasi leeyihiin Janno,maadaama iyagoo aan hubaysnayn si xaq darro ah loo dilay. Waxa uu sheegay inay yihiin caruurtii iyo maatidii ka cararayay dumintii Hargeysa lagu samaynayay.

Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Maydadkaa 42-ka ah ee aynu dul taagannahay maanta ee sida gar darrada ah loo laayay ee laga soo qoday intii beebkaas magaalada lagu sii wadaa ku hagaagay iyadoon hareereheedii la dayin waxay calaamad yar uun ka tahay dalka wixii ka dhacay”.

 

COMMENTS
LINKS