HALISTA ISA SOO TARAYSA IYO DHAYALSIGA XUKUUMADDA Q.2aad Muj Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
HALISTA ISA SOO TARAYSA IYO DHAYALSIGA XUKUUMADDA Q.2aad Muj Cali Guray
August 15, 2015 - Written by Editor:

Wixii dhacay hadii ay dhaceen Guddida Nabadgelyada heer gobol iyo heer qaran midna maynu maqal kulan bay yeesheen Golaha Wasiiradana hadalkiisaba daa. Miyaan intaas oo dhami taloba wada lahayn oo aanay is waydiinin waxan dad oo dhami is waydiinayo ? Madaxwaynuhu malaha ma buu maqal oo cidiba wax uma sheegin ilayn kol uu qoysaskii caruurtu ka baxday tacsi u diro iyo kol uu baadhis amro oo warbixin sugan dalbadoba wax uun baynu maqli lahayne.

Askariga biLayska ahi ma waxaynu odhan karaa ma yaqaan oo lama barin goorta uu xaq u leeyahay inu xabad rido ee sharcigu u ogol yahay oo ah marka ay naftiisu halis gasho ee uu is difaac yahay oo keliya. Mar kale oo sharcigu u ogol yahay in xabad ku rido qof shicib ahi ma jirto markaa lafteeda waa in uu kor u ridaa si uu ugu digo. Haduu ku ridayo lafteeda oo is difaac ka tahay ma baas inu mariyaa? Maya waa in uu meel aan halis ahayn doortaa. Askarigu inay Xabad aanu ku talogelin ay ka fakan kartaa waa qalad uu isagu leeyahay waayo xabaddu iskama fakato hadii aan qoriga la cabayn oo xabadi dhuunta tegin weliba amaankana aan la furin oo hadan keebka farta lagu soo qaban. Intaas oo talaabo ma wada kama’ bay noqon karaan.Xaaladda caadiga ahna qoriga waa mamnuuc in la cabeeyaa qorigana amaanka in la furo maba aha hadii aan lagu talogelin in xabad laga rido sida ay askariga tabobaran ay farayso aqoonta Heerarka Badbaadadu( Safety Standards). Lakiin hadii aan askariga aan waxba laga barin heerarka badbaadada( Safety Standards) ee xaaladaha kala duwan oy ahayd in la Baro dhibaatada uu geysto yaa ka masuul ah? Dabcan hogaanka sare ee bilayska ee yidhi waxad tahay askari waxna aan u sheegin. Hogaanka Sare ee bilayskana waynu naqaan sidaa darteed inta uu sidaa yahay dhib kasta oo dhacdana aan cid kala xisaabtamaysaa aanay jirin baadhisna aan la ogolayn si loo ogaado qaladka dhacay maxaa sabab u ah iyo yaa ka masuul ah halistani waxay ahaanaysaa mid aynu la noolahay oo inagu soo noqnoqta waana in aynu aqbalno hadii aynaan diyaar u ahayn in aynu xal u doono

COMMENTS
LINKS