Haamaha Berbera Iyo Damaca Keligood Haan Layaasha.Muj Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haamaha Berbera Iyo Damaca Keligood Haan Layaasha.Muj Cali Guray.
August 27, 2015 - Written by Editor:

Labadii Qof Ee Nagaga Hadhay Qaafadii Dumarka.

Tii Quruxda Roonayd Haday Cali la Qooqayso

Tanna Qaata Naadoba Nin bay Qaac U Shidataaye.

Muj Cali Guray ayaa si qotodheer uga hadlay arinta haamaha kaydka shidaalka ee Berbera oo maalmihii udanbaysay bulshada reer somaliland aad uga hadlayeen heshiiska la sheegay in xukuumadu ku wareejinayso

Hadaba qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ayaa wuxu soo dhigay barta uu Muj cali guray ku leeyahay FACEBOOKga wuxuna u dhignaa Sidan.

Heshiiska TOTAL wax qarsoodi ah muu ahayn heshiis cad oo laba dhinac ah ayaa la wada galay oo cid kasta muxaafid iyo mucaarid oo danaynaysayba ay heli karaysay loona qaybiyay Golaha Wakiilada.Aniga laftayda ayaa helay copy ilaa haddana waan hayaa.

Sidii uu wakhtigaa u dhigay AHN Cigaal TOTAL waxay ahayd shirkad caalami ah oo dal ahaan ay jireen dano laga lahaa. Waxa ka mid ahaa in Beesha Caalamku ay ku qancaan nabadgelyada ka jirtay Somaliland taasina ay soo dhiirigeliso maalgashiga shisheeyaha( foreign investors)

Lakiin tan maantu waa qarsoodi hadii aan wax si ka ahayn sidan si ka fiican bay xukuumaddu wax inoogu cadayn lahayd hadii arinku yahay mid loogu danaynayo qaranka siyaasad cad oo inta badan lagu qanci karona way ka yeelan lahayd, in kasta oo dadka Somaliland ay yihiin dad dhoohan oon kala jeclayn wax u dan ah iyo wax aan dan u ahayn labadabana  ogol waxna aan diidin. Oo weliba laga yaabo inay daalac u raacaan ciddii ka hadasha wax iyaga dantooda ah.

Arinta HAAMAHA KAYDKA SHIDAALKA in kasta oo wax waliba inaga qarsoon yahay ilaa hadda wax la wareejiyayna aanay jirin laakiin xalaal duhur baa la qashaa baa la yidhiye sidani wax inoo cuntami kara maaha hadii qasab lagu socod siiyo lafteedana inta xukuumaddan u hadhsan cimri ka badan yeelan mayso in kasta oon la hubin inta ka hadhsan xukuumadan cimrigeeda taasina ay dhibaatada ugu wayn ee MAANTA Somaliland ka jirtaa ay iyada tahay

Sheekadan HAAMAHA KAYDKA SHIDAALKA ee Berbera markaan eegay sida loo qaybsaday waxay I xasuusisay Gabaygii QAYB LIBAAX ee Xuseen Dhiqle. Waxa xiiso leh sababu nusuulka gabayga.

Waxa la yidhi markii ay Daraawiishi jabtay ka dib dagaalkii Dayuuradaha farxadkii Sayidku wuxu ku simay halkiyo Iimay oo uu ku Geeriyooday AHN eh. Walaalkii Khaliif iyo tiro lagu qiyaaso ilaa 400 oo Mujaahid ayaa xagaa iyo Baali qabtay oo caruusi u galay. Markii Khaliifna dhintay ayay nimankii caruusado dumarkii biliqaysteen. Gabadh qurux lahayd uu Khaliif ka dumaalay Sayidka ayaa markiiba Nin ay Qayaashmaashka walaalo ahaayeen guursaday. Waxa ka darnayd gabadh ay Sayidka walaalo ahaayeen oo la yidhi Xuseen Dhiqle laftiisa ayaa jeclaa oo doonayay inu mindhaa guursado balse waxa tiina u soo geed fadhiistay Qayaashmaashka laftiisii oo la odhan jiray Maxamed Daadhi. Xuseen Qayaashmaashka wuu arkay in aanu u diidi karin dabeed gabay ayuu ku siiyay. Wuxu yidhi:

QAYAASHMAASH LIBAAX BAA DHURWAA QAYBI YIDHI SOOREH

WUXU YIDHI HILBAHA JEEX DHAN QALO QOON DHAN BAAN NAHAYE

MARKAASUU QALBABAALIHII QOONSADUU DILAYE

DHIRBAAXUU IL KAGA QAADAY OO HOOR KA SOO QUBAYR

AF QASHUUSHLE GOORTUU DHINTUU SII QATAABSADAYEH

DACAWUU MAR KALE SOO QABSADAY SIDI QISAASEEDEH

WUXU YIDHI QANJAAFULO XUNEEY TALI QADAAR KAAYE

WAXAY TIDHI ADEER QAAR IYO DALOOL QAAXO IYO FEEDHO

QUMUD IYO BARUUR IYO LEG IYO QAWDHIHII KURUSKA

KUU WADA QORSHEEYAYE ISLAW NEEFKA WADA QAADO

MARKAASAA WIXII QADAY QABSADAY KOOBAB QADAF LEEYEH

WAX LA YIDHI QABIIL MA LEH DAYOY QAYBIYAHA AAREH

INAGOO QURUUN DHAN AH MAXAA QADO INOO WAAYAY

WAXAY TIDHI QACDII HORE MARKAAN DEYAY JOBTII WEERKU SII QULUSHAY

BADH BAA KUU QISMO AH WAA WUXUU EEDAY QAAR YARE

DUQII NOO QAB WAYNAABA WAA QOOQ WAX LOO DILAYAY

ANIGOO QADAARKANA MIYAA QAMADH KA SOO WAAQSAN

QUDHAYDAAN U YAABAYE MIYAAN INA QASAAREEYAY

ANNA QAYB LIBAAX WEEYE TAA IGU QASBAYSAANE

LABADII QOF EE NAGAGA HADHAY QAAFADII DUMARKA

TII QURUXDA ROONAYD HADAY CALI LA QOOQAYSO

TANNA QAATA NAADOBA NIN BAY QAAC U SHIDATAAYE

imika HAAMAHA Berberana ma nidhaa iska qaata HAAMAHANA ilayn wax kasta oo la qaadanayay Reer Maxamed Daadhi iyaga ayuun baa qaadanayay eh

MUJ ALI GURAY

COMMENTS
LINKS