|
|||||
WAJAALE NEWS
Haamaha Berbera Iyo Damaca Keligood Haan Layaasha.Muj Cali Guray.
August 27, 2015 - Written by Editor:Labadii Qof Ee Nagaga Hadhay Qaafadii Dumarka. Tii Quruxda Roonayd Haday Cali la Qooqayso Tanna Qaata Naadoba Nin bay Qaac U Shidataaye. Muj Cali Guray ayaa si qotodheer uga hadlay arinta haamaha kaydka shidaalka ee Berbera oo maalmihii udanbaysay bulshada reer somaliland aad uga hadlayeen heshiiska la sheegay in xukuumadu ku wareejinayso Hadaba qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ayaa wuxu soo dhigay barta uu Muj cali guray ku leeyahay FACEBOOKga wuxuna u dhignaa Sidan. Heshiiska TOTAL wax qarsoodi ah muu ahayn heshiis cad oo laba dhinac ah ayaa la wada galay oo cid kasta muxaafid iyo mucaarid oo danaynaysayba ay heli karaysay loona qaybiyay Golaha Wakiilada.Aniga laftayda ayaa helay copy ilaa haddana waan hayaa. Sidii uu wakhtigaa u dhigay AHN Cigaal TOTAL waxay ahayd shirkad caalami ah oo dal ahaan ay jireen dano laga lahaa. Waxa ka mid ahaa in Beesha Caalamku ay ku qancaan nabadgelyada ka jirtay Somaliland taasina ay soo dhiirigeliso maalgashiga shisheeyaha( foreign investors) Lakiin tan maantu waa qarsoodi hadii aan wax si ka ahayn sidan si ka fiican bay xukuumaddu wax inoogu cadayn lahayd hadii arinku yahay mid loogu danaynayo qaranka siyaasad cad oo inta badan lagu qanci karona way ka yeelan lahayd, in kasta oo dadka Somaliland ay yihiin dad dhoohan oon kala jeclayn wax u dan ah iyo wax aan dan u ahayn labadabana ogol waxna aan diidin. Oo weliba laga yaabo inay daalac u raacaan ciddii ka hadasha wax iyaga dantooda ah. Arinta HAAMAHA KAYDKA SHIDAALKA in kasta oo wax waliba inaga qarsoon yahay ilaa hadda wax la wareejiyayna aanay jirin laakiin xalaal duhur baa la qashaa baa la yidhiye sidani wax inoo cuntami kara maaha hadii qasab lagu socod siiyo lafteedana inta xukuumaddan u hadhsan cimri ka badan yeelan mayso in kasta oon la hubin inta ka hadhsan xukuumadan cimrigeeda taasina ay dhibaatada ugu wayn ee MAANTA Somaliland ka jirtaa ay iyada tahay Sheekadan HAAMAHA KAYDKA SHIDAALKA ee Berbera markaan eegay sida loo qaybsaday waxay I xasuusisay Gabaygii QAYB LIBAAX ee Xuseen Dhiqle. Waxa xiiso leh sababu nusuulka gabayga. Waxa la yidhi markii ay Daraawiishi jabtay ka dib dagaalkii Dayuuradaha farxadkii Sayidku wuxu ku simay halkiyo Iimay oo uu ku Geeriyooday AHN eh. Walaalkii Khaliif iyo tiro lagu qiyaaso ilaa 400 oo Mujaahid ayaa xagaa iyo Baali qabtay oo caruusi u galay. Markii Khaliifna dhintay ayay nimankii caruusado dumarkii biliqaysteen. Gabadh qurux lahayd uu Khaliif ka dumaalay Sayidka ayaa markiiba Nin ay Qayaashmaashka walaalo ahaayeen guursaday. Waxa ka darnayd gabadh ay Sayidka walaalo ahaayeen oo la yidhi Xuseen Dhiqle laftiisa ayaa jeclaa oo doonayay inu mindhaa guursado balse waxa tiina u soo geed fadhiistay Qayaashmaashka laftiisii oo la odhan jiray Maxamed Daadhi. Xuseen Qayaashmaashka wuu arkay in aanu u diidi karin dabeed gabay ayuu ku siiyay. Wuxu yidhi: QAYAASHMAASH LIBAAX BAA DHURWAA QAYBI YIDHI SOOREH WUXU YIDHI HILBAHA JEEX DHAN QALO QOON DHAN BAAN NAHAYE MARKAASUU QALBABAALIHII QOONSADUU DILAYE DHIRBAAXUU IL KAGA QAADAY OO HOOR KA SOO QUBAYR AF QASHUUSHLE GOORTUU DHINTUU SII QATAABSADAYEH DACAWUU MAR KALE SOO QABSADAY SIDI QISAASEEDEH WUXU YIDHI QANJAAFULO XUNEEY TALI QADAAR KAAYE WAXAY TIDHI ADEER QAAR IYO DALOOL QAAXO IYO FEEDHO QUMUD IYO BARUUR IYO LEG IYO QAWDHIHII KURUSKA KUU WADA QORSHEEYAYE ISLAW NEEFKA WADA QAADO MARKAASAA WIXII QADAY QABSADAY KOOBAB QADAF LEEYEH WAX LA YIDHI QABIIL MA LEH DAYOY QAYBIYAHA AAREH INAGOO QURUUN DHAN AH MAXAA QADO INOO WAAYAY WAXAY TIDHI QACDII HORE MARKAAN DEYAY JOBTII WEERKU SII QULUSHAY BADH BAA KUU QISMO AH WAA WUXUU EEDAY QAAR YARE DUQII NOO QAB WAYNAABA WAA QOOQ WAX LOO DILAYAY ANIGOO QADAARKANA MIYAA QAMADH KA SOO WAAQSAN QUDHAYDAAN U YAABAYE MIYAAN INA QASAAREEYAY ANNA QAYB LIBAAX WEEYE TAA IGU QASBAYSAANE LABADII QOF EE NAGAGA HADHAY QAAFADII DUMARKA TII QURUXDA ROONAYD HADAY CALI LA QOOQAYSO TANNA QAATA NAADOBA NIN BAY QAAC U SHIDATAAYE imika HAAMAHA Berberana ma nidhaa iska qaata HAAMAHANA ilayn wax kasta oo la qaadanayay Reer Maxamed Daadhi iyaga ayuun baa qaadanayay eh MUJ ALI GURAY Related posts:“Guddida Diwaangalintu Waxay Baalmareen Inay Dabaqaan Isla Markaana Xaqiijiyaan Waajibaadka Sharci E... DAAWO;-Xildhibaan Siciid Sokeeye Oo Jawaab Ka Bixiyay Eedo Iskumid Ah Oo Ay Usoo Jeediyeen Xasan Sh... “Somaliland Maaha Inay Ka Xishooto In Safiirku Rasmi Ahaan Yahay Safiirka Maraykanka Ee Somaliya”Cal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|