Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee G, Maroodi jeex, Oo si Kulul U Canbaareeyay Xadhiga Sharci Darrada Ah Ee Lagula Kacay Suldaan Cabdiraxiim Saxardiid. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee G, Maroodi jeex, Oo si Kulul U Canbaareeyay Xadhiga Sharci Darrada Ah Ee Lagula Kacay Suldaan Cabdiraxiim Saxardiid.
August 27, 2015 - Written by Editor:

War-Saxaafadeed,

Guddiga Xisbiga waddani ee Gobolka Maroodi jeex, Garabada haweenka iyo Dhalinyarada iyo dhamaan taageerayaashu, waxay si kulul u canbaraynayaan Xadhiga sharci darrada ah ee lagula kacay Suldaan Cabdiraxiim Saxardiid Kaahin oo ciidanka Boolisku u taxaadeen xabsiga kuna xidhan Saldhiga Booliska ee Degmadda I. Kood Buur ee Caasimada Hargeysa.

Suldaanka oo maalintii shalay ahayd  munaasibad dhaqan oo si weyn loo soo agaasimay loogu caleemo saaray magaalada Hargeysa, iyadoo suldaanku ku yimid doonida beeshiisa iyo qaabkii loo mari jiray caleemo saarka sulaadiinta dhaqanka.

Waxaanu ugu baaqaynaa Xukuumadda in suldaanka loo soo celiyo xoriyadiisa isla markaasina laga waantoobo xadhiga iyo tacadiyada  sharci darrada ah ee lagu hayo muwaadiniinta aan waxba galabsan.

Allaa Mahad Leh

Md. Siciid Muuse Cabdi- Bustaale

 

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Maroodi Jeex

COMMENTS
LINKS