Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Khabiir U Ololeeya Qadiyada Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Khabiir U Ololeeya Qadiyada Somaliland.
August 3, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews) -Guddoomiyaha maxkamada Dastuuriga Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Khabiir u dhashay dalka Sweden oo u ololeeyay madax banaanida somaliland.

khabiirka somaliland

Kulan lagu soo dhaweynayay khabiirka u ololeeyay madaxbaanida somaliland ayaa ka dhacay xarunta maxkamada sare ee somaliland halkaasi oo is xogwaraysi ay ku yeesheen qaar ka mida garsoorayaash

Guddoomiyaha Maxkamada Sare Profesor Aadan Xaaji Cali ayaa khabiirkan ku amaanay doorka uu ka qaato ictiraaf raadin Somaliland “Shaqo layaab leh ayuu ninkani somaliand u hayaa,sagaal iyo toban sano ayuu ninkani dalka kusoo noqnoqonayay, markaa waa inaynu u mahadnaqnaa,wuxuu qabtay shirar badan,dad badan ayuu diwaangaliyay ama shir haka qaybgalaan ama ganacsiyo ha utagaan, Ama caafimaad ha utagaan”Ayuu Guddoomiyaha Maxkamada Sare

Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in khabiirkani qadiyada Somaliland kala hadlo dawladaha Caalamka “Khabiirkani dawladaha caalamka ayuu kala hadlaa qadiyada somaliland, waxaa kale oo uu la kulmaa dad kale oo daneeyayaal ah oo uu ka dhaadhiciyo qadiyada somaliland dabadeedna su’aalo adag waydiiya, dadka waxaanu ugu baaqaynaa inay la shaqeeyaan khabiirkani si aanu isaguna uga daadlin ictiraaf raadin somaliland”Ayuu Yidhi Aadan Xaaji Cali Guddoomiyaha Maxkamada Dastuuriga.

Geesta kale Waxaa isna munaasibad ka hadlay khabiirkan u ololeeya qadiyada somaliland isagoo somaliland ku amaanay dardar galinta iyo dadaalka ay inta badan ka wado ictiraaf raadinta isla markaana waxaa uu soo bandhigay qoraalo iyo guulo badan oo ay somaliland ka gaadhay shirar ay hogaaminaysay oo ka dhacay dacalada Dunida.

COMMENTS
LINKS