Golaha Wakiillada Oo Go’aan Ka Gaadhay Wareejinta Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Wakiillada Oo Go’aan Ka Gaadhay Wareejinta Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera
August 30, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland ayaa fadhigii maanta ku laalay qorshaha xukumadda Siilaanyo ku doonayso in Kaydka Shidaalka ee Haamaha Berbera lagu wareejiyo Shirkaddaha soo dejiya Shidaalka.

golaha wakiilada

Mooshin ka dhan ah wareejinta Haamaha oo ay saxeexeen in ka badan toban mudane ayaa la hor keenay golaha, iyadoo mudaneyaasha diidan mooshinku ku doodeen in muddo la siiyo oo mooshinka iyo warbixinta Haamaha la soo akhristo, balse arrintaasi oo cod lagu xalliyay ayay bateen mudaneyaasha mooshinka taabacsan.

Qorshaha Xukumaddu ku doonayso in la wareejiyo Kaydka Haamaha Shidaalka ayaa goluhu cod aqlabiyad ku laalay islamarkaana 55 Mudane oo kulanka ka soo xaadiray 40 ka mid ahi u codeeyeen in Haamaha Shidaalka aan la wareejin oo xukumaddu Maamusho.

Guddoomiye xigeenka koowaad ee Wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo mudaneyaal taageersanaa heshiiska xukumaddu ku wareejinayso Haamaha ayaa fadhiga iskaga baxay kadib markii ay arkeen in aqlabiyadda goluhu diidan tahay heshiiskaasi, waxaana shir gudoonka golaha dhammeeyay Guddoomiye Cirro oo uu weheliyo kuxigeenka 2-aad Cali Aw Yuusuf.

Qaraarka golaha wakiilladu ku laalay wareejinta Haamaha Berbera ayaa ka dambeeyay markii guddida ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalka musuqmaasuqa ee wakiilladu soo saartay warbixin sheegaysa in xukumaddu sanadkii ka hesho Haamaha 24 Milyan oo Dollar, sidaas darteedna ay tahay hay’ad muhiim ah.

Golaha ayaa ku sababeeyay diidmadooda in la wareejiyo Haamaha in wareejinteedu aanay sharciga waafaqsanayn, sidoo kalena ay u muuqato in shirkado gaar ah lagu naasnuujinayo.

 

COMMENTS
LINKS