Golaha Guurtidu Waa Gole Dhaqan Mana Aha In Ay Ku Milmaan Hirdanka Siyaasadeed Ee U Dhaxeeya Fulinta Iyo Xisbiyada Qaranka. Qalinkii A/Rahman Fidhinle. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Guurtidu Waa Gole Dhaqan Mana Aha In Ay Ku Milmaan Hirdanka Siyaasadeed Ee U Dhaxeeya Fulinta Iyo Xisbiyada Qaranka. Qalinkii A/Rahman Fidhinle.
August 7, 2015 - Written by Editor:

Mudo kordhintan xukuumada loo kordhiyey waa Fadeexad iyo Fashilaad qaran, taas oo ku saleysan khariidad waqti dheer ku qotonta oo hantida wadanka lagu boobaayo.Waxay aheyd in ay Golaha Guurtidu ansixiyaan waqtigii xisbiyada qaranka, komishanka qaranka, madaxweynaha iyo daneeyayaasha Somaliland ee caalamku isku wada raaceen oo ahayd  26/6/2016. Waxay aheyd in ay Guurtidu Guurti noqdaan oo xaq-soor noqdaan oo yidhaahdaan ” Hadba ninka Hooyday qabaa waa adeerkay“. Xaaladaha iyo Xeegaanada Madaxweynaha iyo Wakiiladaba loogu kordhin karo mudo  waxay ku qeexan yihiin Dastuurka qaranka. Laakiin way  ka  been sheegeen kana talaab sadeen Golaha Guurtidu.  Kuye’ Indho indho ” Waanu ka diidney Madaxweynaha, si cad baanu u diidnay, kana noqon

meyno go’aankii aanu gaadhanay”  Ma is tidhi isagaaba Madaxweyne ah sidii uu isu laba rogaayey markuu warbixinta kala hadlaayey Qasriga Madaxtooyada. Bal-adba!!

Soomalida ayaa ku maah-maahdaa ” Hal-xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho”

 

Sida aad la wada socotaan Golaha guurtida waxaa lagu magacaabay shir beeleedkii Hargeisa iyo axdi garameedkii Boorama ee 1997. waxaana halkaa inooga cad in Golaha Guurtidu sharci daro ay ku fadhiyeen kuraasta mudo dheer, xubnihii la soo doortay waqtigaana waxaa ka sii nool ilaa 11 xubnood oo keliya inta kalena  waxay kuraasta ku fadhiyaan  dhaxaltooyo aan aqoon iyo karti toona lagu cabirin ee ku buuxi kooraanka beesha ayuu xaalku ahaa. Si kastaba ha ahaatee Golaha Guurtidu waa gole dhaqan mana aha in ay ku dhex milmaan hirdanka iyo loolanka ka dhexeeya golaha fulinta iyo  xisbiyada Sayaasadeed ee qaranka.

 

Hadaba mudo kordhitaa aan dhudhunka iyo dhumucda lahayn ee Guurtidu u Sameysay Xukuumada kumay saleyn Xaqiiqda iyo Xaaladaha dhabta ah ee dalka ka jira waayo marna :

a)- Guurtidu diiradooda may saarin saameynta taban ee ay ku yeelan doonto mudo kordhintan dheeri hanaankii Geedi socodka Dimuqraadiyada Somaliland iyo sumcada qaranimo ee Caalamku ina daawanaayo.

  1. B) kamay Fiirsan Deeqaha ay JSL ka hesho Daneeyayaasha Dimuqraadiyada Somaliland ka caawiya ku waas oo ay ugu horeeyaan qaadhaan bixiyayaasha caalamka ugu  weyn  ee qaramada midoobey ( EU -da )  oo hada xidhay Xafiiskoodii Somaliland.

c)- Guurtidu May yaqiinsan Sharafta iyo karaamada ay JSL u yeelan karto Doorashooyin xor ah, xalaal ah oo waqti la isku wada raacay ku qabsoomta.

d)- Guurtidu may tixgelin Xeerarka dastuuriga ah ee sida cad u qeexaya mudo kordhinta Golaha wakiilada iyo mudo kordhinta madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

 

Sidaa  daraadeed mudo kardhintan Guurtidu waxay noqoneysaa “Dawaaq Jaah-wareersan oo dhabarku uu muuqdo” oo lagu boobaayo hantidii qaranka,laguna jaahwareerinaayo shacabweynaha isbedel-doonka ah ee Somaliland, kaas oo hintaaqo iyo horseed hor leh u noqon doona duufaano siyaasadeed, dabin isu maleeg iyo khilaaf joogto ah oo sii ragaadin doona sadexda Dhar-dhaar ee bud-dhiga  u ah qaranimada iyo midnimadii Somaliland ku soo caano maashay mudada dheer.

 

Akhristow ! bal hoos u dhugo mudo kordhimihii  Doorashooyinkii Xukuumadihii hore ee kala danbeeyey ee Somaliland ka dhacay ee uu Odey Saleebaan Gaal ka shidaal qaatay ee uu mudo kordhintan maanta taagan uu baleysinka iyo bud-dhiga uga dhigay isaga oo ku hadaaqay hadalo aan mariibneyn oo aan macne badan lahayn 00 uu yidhi ” Waar dhegaha ka fureysta waxaan soo wado”  isla markii  uu madaarka Caasimada Hargeisa ka soo degayba:

 

1- Doorshooyinkii dawladaha hoose ee ugu horeeyey ee  ka dhacay JSL  7/12/2002 – Waxaa dhigeedii dhacay  28/11/2012 

2- Doorashadii madaxweynaha ee ugu horeysay oo dhacday  14/4/2003 –            Waxaa dhigeedi dhacay     26/6/2010

3- Doorashadii Golaha wakiilada ee ugu horeeyey oo dhacday  29/9/2005 –    Waxaa loo qoondeeyey in ay dhacdo   28/4/2017

4-Doorashada madaxweynaha oo ku beegnayd in dhacdo     26/6/2015   —      Waxaa loo qoondeeyey in ay dhacdo     27/4/2017

 

Hadaba sow  Muwaadinow noqon mayso in hanaankii Dimuqraadigu uu Hagaaso oo Xaalkeenu uu iska noqdo

” ii kordhi aan kuu kordhiyee oo ilaa iyo abid ah ” ???     !!!

 

Waxaa Shacabka JSL ay wada ogaayeen oo xusuustooda iyo quluubtoodaba ku duugan sidii Saleeban Gaal uu ugu gurmaday ee uu ugu Hiiliyey Xisbiga Kulmiye  oo mucaarid ahaa waqtigii  xumada muranka mudo kordhinta  dalka ka taagneyd ee sanadkii  2009 kii.

* Waxaa Shacabka JLS ka dheregsan yihiin sidii uu ugu Gurmay khilaafyadii kala danbeeyey ee hadheeyey Xisbiga xaakimka kulmiye.

*Waxaa shacabku wada ogaa sidii uu ka yeelay Xisbigii Guunka ahaa ee Ubud ee uu burburkiisii indhaha ka qarsaday kuna farxay.

* Hadaba marka dib loo raaco taariikh-nololeedka Saleebaan Gaal ilaa iyo Dagaaladii Sokeeye waxaa waxgaradka JSL isku wada raacay in aanu Oday Saleebaan dhex u noqon karin  qaranka Somaliland. in aanu dhex u noqon karin xisbi xaakimka iyo xisbiyada mucaaridka ah ee hirdanka Siyaasadeed uu ka dhaxeeyo.

 

 Gunaanad: Doorashooyinka oo waqti laga mideysan yahay  lagu qabtaa waxay ka turjumeysaa oo ay fariin u tahay Qaab dhismeedka iyo haykalka dawladnimo ee JSL.Waxaa xaqiiq ah in indhaha caalamku dib u eegi doonaan dhawaan nidaamka dawladeed ee maanta ka jira Somaliland. Mudo kordhintan indo la’aanta ahi waxay ka hor imanaysaa heshiisyadiii deeq-bixiyaasha iyo dhamaan Daneeyayaashii, Saaxiibadii iyo wakiiladii caalamka u metelaayey SL oo iyagu ayidsanaa jiritaanka iyo gooni isu taaga JSL, waxaana ay uqaadanayaan caalamku hada in Guurtidu ay si indho la’aan ah u ilaalinayaan kursiga madaxweyne Siilaanyo iyo kuxigeenkiisa Saylici. Waaxa ay mudo kordhintani ay mugdi iyo mad-madow ku meereysaa kala danbeyntii haykalkii iyo hayadihii dawladnimo, higsigii fogaa ee qaranimo ee gooni isu taaga qaranimada Somaliland  buddhiga u ahaa. Waana iyaga iyo Allahood!!!!!

 

 

Alleh ayaa Mahada Mudnaantaba  Leh,

Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi(scs)

Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,

Qalinkii :A/rahman fidhinle

Qoraa Madax banaan

Intensive ED BD BA

United Kingdom

London

COMMENTS
LINKS