Filasho Wacan Showga fanaanka Caanka ah Cabdi Jibaar Alkhaliiji Iyo Xidigaha Geeska. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Filasho Wacan Showga fanaanka Caanka ah Cabdi Jibaar Alkhaliiji Iyo Xidigaha Geeska.
August 21, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa, (Wajaalenews) -Fanaanka rug cadaaga ah ee Cabdijibaar Al Khaliiji oo ay weheliyaan xubnaha ugu codka macaan uguna caansan fanaaninta xidigaha geeska Sahra Ilays iyo fanankii waynaa ee Shay Mire Dacar ayaa jimcaha soo socda ee 27 ka bishan (Habeenka khamista e jimcuhu soo galayo) August ee 8aad magaalada Hargaeysa kusoo bandighi doona Show la magic baxay SHOWGA CABDIJIBAAR ALKHALIIJI IYO XIDIGAHA GEESKA. Showgaa oo lagu qaban doono hoolka wayn ee Crown Hotel ee magaalada Hargaysa ayaa ah kii ugu horeeyay ee fananka Cabdijibar Alkhaliiji ku soo bandhigo Somaliland intii ka dambaysay 1991 markii Somaliland xoriyadeedi dib ugala soo noqotay Somalia.

habeenka khaliiji iyo xidigaha geeska

Fanaaniinta habeenkaa Cabdijibaar ku wehelin doona Showga waxa kamid ah fanaaniinta xidigaha geeska oo ay ugu horeyan; Maxamed Siciid BK, Yurub Geenyo, Nimcaan Hilaac iyo Cabdirahmaan Oday.

waxa iyana aan ka maqnayn showga fanaanadii codka macaanayd ee Sahra Ilays  iyo fanankii codka dahabiga ah lahaa ee Shay Mire Dacar.

Hadaba hamoogaanina inaad ka soo qayb gashaan showgan oo qiimaha lagu galayaa yahay $20 (labaatan doolar).

waxii faahfaahina ah ee intaa dheer kala soo xidhiidh meherada Jaahuur Top Design ama telefoonadan; 063-4118830 or 063-4756889

 

COMMENTS
LINKS