|
|||||
WAJAALE NEWS
falanqaynta Wasiiradii Iyo Taliyayaashii Xilka Uu Ka Qaaday Madaxwayne Siilaanyo Mudo Xileedkiisii Xalaasha Ahaa Iyo Saamaynta Ay Ku lahaayeen , Wasiir Xirsi, Marwo Aamina Waris Iyo Muuse Biixi Xil Qaadistooda Qaybtii 3Aad.
August 22, 2015 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) Waxaynu qormadan ku eegi doonaa doorarka kala duwan ee ay ku lahaayeen wasiir xirsi, marwada koowaad ee madaxwayanaha Aamina Sheekh maxamuud Jirde Aamina Waris iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi xilka qaadis masuuliyiin siyaabo kala duwan shaqada looga caydhiyay, Waa markale iyo qormadeenii todobaadlaha ahayd ee aad kala socoten shabakada wararka ee wajaalenews. Waxana Marti inoogu noqon doona wasiirkii hore ee caafimaadka dr. Xuseen muxumed maxamed (xuseen xoog) iyo gudoomiyihii hore ee haayada shaqaalaha muxumed aw cabdi. Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (xuseen xoog) waa docror mihnadle caafimaada waayo aragnimo badana u leh xaalada caafimaad ee ka jirta wadanka una muuqan karaan gol daloolooyinka caafimaad ee ka jira wadanka. Masuulkan oo kamid ahaa halgamayaashii xisbiga kulmiye halgan wayna ula galay beeshiisa oo xiligaa aqlabiyad ahaan taageersanaa xisbiga Ucid iyo xisbigii xiligaa muxaafidka ahaa ee udub sidii ay u taageeri lahaayeen xisbiga kulmiye, waxaanu inta badan ku hadaaqi jiray isbadal doon xiligii ololihii kulmiye.
Masuulkan oo abaal aanu gudi karayn xisbiga kulmiye kuleh ayaa kamid noqday masuuliyiinta isku arkay liiska wasiirada cusub ee xiligaa uu magacaabay madaxweyne siilaanyo, taasi oo ka dhigan ololihiisii ka sokow in aanu dictoorku olole u galin sidii uu wasiir u noqon lahaa sida ay inta badan sameeyaan wasiiro badan oo talada qabtay. Dr. Xuseen Xoog xilkan kabacdi waxa uu layimid dardar aan hore loo arag isaga oo kor uqaaday dhamaan adeegyada caafimaad ee bulshada iyada oo lagu xasuusto masulkan waxyaabo badan oo ay ku faanto xukuumadani oo ay kamid yihiin, keenista agabka sifaynta kalyaha, tayaynta shaqaalaha caafimaadka, keenista baabuurta gargaarka dagdega ah iyo adeegyo kale oo badan. Masuulkan oo caan ku ah daacadnimada iyo ka midho dhalinta shaqada loo igmaday ayaa noqday masuul ka madhan cudurka ay caanka ku tahay xukuumadan siilaanyo ee ah is kooxaysiga munaafaqadaysan ee ku salaysan hunguriga,qof jeclaysiga iyo u kala sheekaynta masuuliyiinta haayadaha dawlada iyo madaxweynaha oo ay ku macaasheen masuuliyiin badan oo haatan haya xilka oo ay hayso isha shacabku, ayaa ay xili lagu diirsaday masuulkan wax qabadkiisa qaaday seefta madaxweyne siilaanyo ee ay daabka hayaan gacmaha badan ee aan u meel dayin danta umada. Inkasta oo Dr. Xuseen Xoog ka sheegay madashii xil wareejintiisii uu xilka kula wareegayay wasiirka caafimaadka ee xiligan Dr. saleebaan Xaglatoosiye in aanu garanayn meesha laga qaniinay maadaama aanu arag wax dhaliila oo ka muuqda shaqadii loo igmaday balse ilo wareedyo u dhuun daloola madaxtooyada oo ay heshay shabakada wararka ee wajaalenews ayaa tibaaxaya in masuulkan lagu badashay wasiirka warfaafinta C/lahi cakuse xiligaasna ahaa afhayeenka madaxtooyada oo saami ahaan isku dhigmaan masuulkan. Sida ay ilahaasi sheegayaan xilka qaadista Dr.xoog ayaa uu sobob u ahaa wasiirka madaxtooyada xirsi xaaji cali xasan oo ay isku koox yihiin cakuse, saaxiib dhawna yihiin, wasiir xirsi ayaa dadaal adag u galay sidii uu meesha usoo gali lahaa wasiir cakuse. Isaga oo xiligaasi door bidayay wasiir xirsi in gaashaan adag uu uga noqon doono cakuse xaalada badan oo dan u ahaa wasiir xirsi maadama wasiir cukuse yahay nin af iyo adinba ugu ban baxa danta ay saaxiibadiisa wadaagaan hanoqoto gar iyo gardaraba ee. Si kastaba ha ahaatee masuulkan ayaa cagta saaray uun masuuliyiinta ay galaafteen is kooxaysiga ku gadaaman madaxtooyada ee galaaftay masuuliyiin hore oo dan iyo dawaba u ahaa maslaxada umada ugana faa iideeyay khibradooda iyo cilmigoogaba inay u huraan umada. Masuulka labad ee aynu qormadeenan ku falanqaydoona ayaa ah Gudoomihii Hore ee Haayada Shaqaalaha Muxumed Aw Cabdi masuulkan ayaa kamid ahaa lafdhabartii xisbiga kulmiye ee xiligii mucaaridada iasgoo ahaa siyaasi rugcadaaya saamayn badana ku lahaa somaliland isagoo hore usoo ahaa xildhibaan katirsanaa golihii kan ka horeeyay sifiicana ula soo shaqeeyay Madaxwaynihii u maraxalada adkaa somaliland seeskana u dhigay maxamed xaaji ibraahim cigaal. Muxumed Aw Cabdi ayaa loo magacaabay gudoomiyaha haayada shaqaalaha isagoo mudadii uu xilka hayay ku talaabsaday talaabooyin ku dayasho mudnaa guud ahaana waxla taaban karo ka qabtay tayayta shaqaalaha dawlada oo ay markii ugu horaysa ee shaqaalaha dawlada laga qaado imtixaan iyo in la hirgaliyo xeerarka shaqaalaha oo fadhiid ahaa, Masuulkan ayaa dhawr jeer wuxu joojiyay shaqaale si sharciga baalmarsan ay u shaqaalaysiisteeN xubno ay madaxwayanaha isku hayb yihiin kuwaasi oo gabi ahaanba shaqaalahooda ka dhigay qaab qabiil oo isku wada hayba. Xogaha aan ka helnay xilka qadistiisii ayaa tibaaxay indhawr jeer looga yeedhay madaxtooyada iyadoo si toosa loo faray in uu hoos u dhigo shaqaalaha dawlada ee ay isku beesha yihiin iyadoo xubahan uu wasiir xirsi hormuudka u ahaa ku doodeen in ay shaqaalaha ugu badan yihiin taasi aan loo baahnayn, Muxumed aw Cabdi ayaa arimahaa ka biyo diiday isagoo ku dooday in waxa ay kusoo baxeen yihiin imtixaam, kale ee u saamaxdayna ay tahay caasimada oo ah halka kaliya ee ay shaqo galaan(waa beesha la laga dalbaday in uu hoos udhigo shaqaalahooda iyo agaasimo waaxeedyada qaar xilka laga qaado) doodahan iyo kuwa kale oo adagi waxay masuulkan shaqiidasa ka soo baxay gayaysiiyeen in uu kursiga ku wayo waxaan xilka qaadisktiisa lug wayn kulahaa wasiirka madaxtooyada oo kamida xubanaha ka faaiidaysay awoodihii madaxwye siilaanyo. Qoramadeena danbe ayaynu ku falanqaydoonaa doorarka kala gadisan iyo muuqaalada dhabta ah ee gudoomiye muuse biixi kulahaa xilkaqaadista Taliyayaashii ciidanka qaranka iyo siyaasiyiin uu xilka kaga tuuray muuqaalo kala duwan Muuse biixi ayaa dadbani waxay aamin sanyihiin in uu talada xukuumada siilaanyo mudadii shanta sano ahayd aanu ku lahayn wax saamayna , Waxaynu siyaabo kala duwan iyo sawiro dhaba u eegi doonaa hababka muuse biixi uga takhalusay masuuliyiin badan. iyo hababka xeeladaysan ee uu isku badbadalo. LASOCO QORMADAN QORAMADA XIGTA KANA SOO DHIIBO FIKIRKAAGA AKHRISTE WAJAALENEWS DESK HARGAYSA SOMALILAND EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:Daawo:Fadhigii Golaha Guurtida Oo Maanta Ku Furmay Jawi Degen Iyo Arimo Xaasaasi ah Oo Lagaga Dooday DAAWO;-Hogaanka Sedexda Xisbiga Qaran Oo Fariin Udiray Shacabka Oo Maalinta Bari Ah Udareeraya Codbi... Wafti Wasiiro Ah Oo Ka Socda Itoobiya Oo Waji Gabax Kala Kulmay Xukuumada Somaliland Kana Dhoofay Ma... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|