|
|||||
WAJAALE NEWS
Fadhigii Golaha Wakiilada Ee Maanta Oo u Baaqday Kooram La’aan.
August 11, 2015 - Written by Editor:Hargeysa (Wajaalenews)-Fadhigii caadiga ahaa ee golaha wakiilada ayaa u baaqday kooram la’aan. Fadhigan golaha wakiilada ee maanta ayaa loo balansanaa ansixinta ajandaha kalfadhiga 28aad ee golahaasi oo shalay si wayn looga dooday, isla markaana ansixintiisa maanta loo balansanaa. Badanka Xildhibaanada golaha wakiilada ayaan iyagu kasoo xaadirin fadhigii maanta oo ay fadhiyeen xildhibaano ka yar inta goluhu ku ansixiyo xeerarka. Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax oo shirgudoominayay fadhigii saaka ayaa xildhibaanada u sheegay inuu baaqday fadhigu maadaama uu buuxsami waayay kooramku.isagoo guddoomiyuhu sheegay in ansixinta ajandaha kalfadhiga 28aad la iskugu yimaado maalinta sabtida. Xildhibaanada golaha wakiilada ayaan iyagu xil iska saarin inay soo xaadiraan fadhiyada golaha. Related posts:Wasiirul Dawladaha Warshadaha Ee Dawlada Itoobiya Oo Sheegay In Go,aan Uu Dalkiisu Ku Aqoonsanayo So... “Ragii Golaha Ka Baxay Badh Isxanbaarbay Ahaayeen, Badhna Waa Looga Dhintay, Labaduba Sharci Daro Ay... DAAWO; Haayada Shaqaalaha Oo Imtixaanka Qaaday 365 Kamida Dhalinyarada Gobolka Awdal Oo U Tartamaya ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|