|
|||||
WAJAALE NEWS
Email-ada Gaarka Ah Ee Hillary Clinton oo la Baadhayo
August 12, 2015 - Written by Editor:Afhayeen u hadlay musharaxa madaxweynaha ee xisbiga dimuqraadiga ah ee Hillary Clinton, ayaa shaaca ka qaaday inay waaxda caddaaladda Mareykanka ku wareejineyso keydka emailadeeda gaarka ah. Clinton, ayaa waxaa cadaadis ku hayey dhowaanahan sharci dejiyayaasha xisbiga Jamhuuriga, si ay u ogolaato in baaritaan lagu sameeyo email-keeda shaqsiga ah, oo ay u adeegsan jirtay howlaha waaxda arrimaha dibedda Mareykanka, intiii ay haysay xilka Xoghayaha Arrimaha Dibedda. Clinton ayaa sheegtay inay ku wareejineyso waaxda cadaaladda ku dhowaan 55,000 oo bog oo emailo ah, waxayna u ogolaatay Waaxda inay shacabka u bandhigto haddii ay doonto. FBI-da ayaa baaritaan ku billowday email-ada Clinton kadib markii dambi baaraha ugu sarreeya sirdoonka Mareykanka uu shaaca ka qaaday inay jiraan ugu yaraan afar email oo la tuhunsan yahay inay yihiin “Top Secret” oo ay Clinton ka dirtay email-keeda shaqsiga. Related posts:Xldhibaan Sheegay In Laga Been Abuuray Isaga Iyo Xildhibaano Kale Oo Katirsan Golaha Wakiilada Mag... DAAWO;Madaxweynaha oo Qaabiley Wasiir ka Socda Dawlada Ingiriiska iyo Heshiis ay kala saxeexdeen Som... “Dalkani Isbadal Deg Deg Ah Ayuu Ubaahan Yahay” Siyaasi Cabdilaahi Dirawal Oo Arimo Xasaasiya Ka Ha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|