|
|||||
WAJAALE NEWS
Dilalka Dadka Shacabka Ah Ay Ku Hayaan Ciidamada Booliska Oo Badka Soo Dhigtay Aqoon Darada Taliye fadal Iyo Dareen La,aanta Madaxwayne Siilaanyo.
August 15, 2015 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) waxaa maalmihii udanbaysa magaalada hargaysa ka dhacay dhacdooyin kala duwan oo ay gaysteen ciidmada booliska somaliland iyadoo meelaha qaarna dilal loogu gaystay qaarkamida ciidamda booliska laftooda.
Hadaba dhacdooyinka ayaa waxay daaha ka faydeen fadeexada maamul iyo aqoondaro ee haysta Taliyaha ciidanka booliska taasi oo dhawaanahan ay ciidamada boolisku si badheedha u toogteen dad rayida oo aan waxba galabsan dhawaan ayay ahayd markii canbaaro shantii galabnimo guluf ciidanka booliska ahi ay galeen qoyska MUJ Axmed Jabaan Awoowo kadibna ay si badheedha madaxa uga toogteen wiil yar oo 11jir ah halkaasina uu ku geeriyooday halka ay dhaawacyo kala duwana kasoo gaadhsiiyeen Afar qof oo kale. Dhacdadan ayaa noqotay mid fajiciso ku noqotay guud ahaan bulshada reer somaliland gudaha iyo dibadaba, labada cisho kadibse waxaa la aasay marxuumkii halkaa ku nafwaayay iyadoon taliyaha ciidanba boolisku wali badka soo dhigin cidii dilkan gaysatay iyo sobabta lagu weeraray qoyskanba, Waana fal ay jawaabtiisa ka warsugayaan bulshada caasimada hargaysa iyo halka ay cago dhigataba, Sidoo kale waxaa shalay subixii hore falkii hore ka darani ka dhacay saldhiga IBRAAHIM KOODBUUR Dhexdiisa kadib markii nin askariya oo kamida ciidanka booliska uu saldhiga ku dhextoogtay wiil yar oo maxbuusa kaasi markii danbe u geeriyooday xabado dhawr ah oo kaga kala dhacay meelo kala duwan. falkan iyo falkii horeba taliyaha ciidanka boolisku kagama jawaabin wax ay bulshadu ku qanacdo wax talaabo ahna kama uu qaadin wali, waxa sidoo kale dhawaan la laayay ciidamo boolis ah kuwaasi oo qaarkood lagu dilay muran dhul kuwii ciidanka dilka ugaystayna aan wali gacanta lagu hayn,sidoo kale askari boolis ah ayaa lagu dilay gudaha magaalada hargaysa kasi si qaldan u dhexgalay guri laga soo xidhayay nin eedaysane ah taasi oo ka baxsan dhisbiliinka ciidanka in ay guri si toosa iskaga galaan, dhacdooyinkan iyo kuwa kale oo mudooyinkii udanbaysay ka dhacay dalka ayaa waxay badka soo dhigeen Aqoondarada iyo maamul xumada taliyaha ciidanka booliska taasi oo guud ahaan somaliland gaysiisdoonta in aan shicibka iyo ciidanku isdhexgali karin cadowga kowaad ciidamaduna ay noqonayaan shacabkii ay amaankooda sugayeen. Si kastaba ha ahaate waxa bulshada somaliland u cadaatay Hagaan la,anta ciidanka booliska iyo maamul xumada Taliye cabdilaahi fadal oo u muuqda mid ku haftay xilkii loo dhiibay taasi oo gayaysiisay in ay guud ahaan burburaan ciidanka booliska dhamaan hogaamada iyo taliyayaasha saldhigyada qaarna ay ku milmaan boobka dhulka iyo wax isdaba marinta kiisaska dadwaynaha iyagoo dhaafsanaya aduun, isku soo wada duuboo waxaa bulshada reer somaliland iyo dadka dhibtu soo gaadhay ka war sugayaan talaabada uu qaado madaxwayne siilaanyo oo isagu ah cida ay bulshadu dooratay walina aan ka hadla dhacdooyinkan is barkan oo qaybo kamida magaalada hargaysa ka abuuray fowdo iyo rabshado wali taagan.
WAJAALENEWS DESK EMAILKA WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:Kala Qaybsanaanta Bulshada Somaliland, Cidda Kaliya Ee Ay Faa'iidada Utahay Waa Cadowga Somaliland!!... DAAWO; Muuqaalka Gaadhi Wayn Oo Dib Uga Soo Noqday Dalacada Jidka Udhexeeya Jig Jiga Yar Iyo Xero Aw... DAAWO; Wajigii labaade Ee Baraamjika Afuri Walalkaa Iyo Ururka Walaalaha Gobolka Gabiley oo Gaadhsii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|