Danjire Nickolas Kay Oo Walaac Ka Muujiyay Gaabiska Dimuqraadiyada Somaliya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Danjire Nickolas Kay Oo Walaac Ka Muujiyay Gaabiska Dimuqraadiyada Somaliya.
August 8, 2015 - Written by Editor:

Muqdisho (Wajaalenews) -Ergeyga qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya danjire Nickolas Kay Ayaa walaac ka muujiyay gaabiska ku yimid dhinacyada dimuqraadiyada iyo siyaasada ee dawladda somaliya.

Danjire Kay ayaa sheegay in dawlada somaliya ay ku guuldaraysatay in ay samayso siyaasada cad iyo dimuqraadiyada si dalka somaliya ay uga dhacdo doorasho xor oo xalaala.

“Waxaan is leeyahay Hormarka laga gaadhay Dhinacyada Dimuqraadiyadda iyo Siyaasadda waa mid gaabis ah oo aan ahayn sidii la rabay, mana ahaan sidii ay Soomaalidu doonayeen. Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashada xilli dambe ayaa la dhisay oo lagu dhawaaqay, is-bedelka lagu sameynayo dastuurka sidoo kale waa mid ku socday si gaabis ah”

Danjire Kay waxaa uu intaasi raaciyay “Waxaa dhawaan la sheegay inaanay suuro-gal noqon karin in doorasho qof iyo cod ah dhacdo marka la gaadho sannadka 2016-ka. Balse waxaa jiri doona geeddi-socod doorasho, waxaa cad qof kasta inaanu cod bixin karin; hase yeeshee Baarlamaanka ayaa laga sugayaa inuu sheego sida ay wax u dhacayaan, iyadoo aysan jirin wax muddo kordhin ahi,”

Hadalkan kasoo yeedhay safiirka qaramadda midoobay u fadhiya somaliya ayaa imanaya mudo ka dib markii dawlada somaliya ku dhawaaqday in aanay suurtagal ahayn in doorasho xor oo xalaali somaliya ka dhacdo 2016ka.

COMMENTS
LINKS