DAAWO;Weftigii Madaxweynaha Somaliland Hogaaminayay oo Caawa Fiidkii Ku soo Guryo Noqday Caasimada Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Weftigii Madaxweynaha Somaliland Hogaaminayay oo Caawa Fiidkii Ku soo Guryo Noqday Caasimada Hargaysa
August 2, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Weftigii Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo galabta ku soo laabtay Caasimada Dalka ayaa si weyn oon loo kala hadhin waxa loogu soo dhaweeyey jidadka caasimada oo la odhan karo waxa uu la ciir-ciirayey galabta dadweyne aad u tiro badan oo sida aad sawirada ka aragtaanba isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee badhtamaha caasimada kuwaasi oo si farxad iyo qiiro wadaniyadi ku dheehantahay ula dhacsanaa hawlaha adag ee uu madaxweynaha qaranku ka soo qabtay jiidaha hore ee dalka isaga oo muddo 8 maalmood ah ku guda jiray socdaal dheer oo uu ugu kuurgelaayey xaalada gobolada bari iyo halka ay marayso wadadii ceerigaabo oo laga gaadhay guul wax ku ool ah lana dhamaystiray 150KM.

hadaba shacbiga somaliland oo ka jawaabaya dedaalka iyo kartida madaxweynahooda ayaa isu soo bax balaadhan oo ay ku muujiyeen dareen kalgacalnimo iyo boholyow ay u qabeen inay kaga jawaabaan socdaalka uu madaxweynuhu ku tegay gobolo muhiima oo shacbigu u dhegtaagayey in uu madaxweynuhu tago oo ka fuliyo mashaariico tiro badan awgeed ay gayeysiisay inuu helo kolsoonida ummaddii dooratay 5 sanno ka hor maanta ay mahadiyeen waxqabadkiisa, madaxweynuhuna uu ka jawaabay suaalahaasi tusaale fiicana ay u tahay sida ay shacbiga somaliland madaxweynaha u qaabileen una soo dhaweeyeen.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

 

COMMENTS
LINKS