DAAWO;Cabashadii Mudaneyaasha Awdal iyo Salal oo Is Afgarad Laga Gaadhay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Cabashadii Mudaneyaasha Awdal iyo Salal oo Is Afgarad Laga Gaadhay
August 23, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)  Shir guddoonka golaha wakiillada Somaliland iyo xildhibaannada Awdal iyo Salal ayaa maanta shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen ku sheegay in xal laga gaadhay xeerkii doorashada wakiillada ee muranka dhaliyay.

https://youtu.be/gSdBKq2NrJg

Shir guddoonka ayaa sheegay in xeerka laga saaray Ajandaha golaha islamarkaana loo qorsheeyay in talo qaran laga yeesho sidii gobolada dalka loogu qaybin lahaa Kuraasta. Xeerkan oo Ajandaha lagu soo daray kalfadhigan golaha kana mid ah asbaabaha doorashada dib u dhigay ayaa mudaneyaasha Awdal iyo Salal muddo todobaado ah uga maqnaayeen golaha kadib markii ay sheegeen in cod lagu muquuninayo islamarkaana aanay saamigooda ka helayn golaha wakiillada oo ay hadda 13 mudane ku leeyihiin.

 

Guddoomiye xigeenka wakiilla Baasha Maxamed Faarax ayaa sidan u sharaxay is afgaradka la gaadhay “Waxaa jirtay in xildhibaannada Awdal iyo Salal golaha ka maqnaayeen, sababta ay uga maqnaayeena waxay ahayd xeerkii doorashada golaha wakiillada oo saami qaybsigu ugu weynaa. Shir guddoonka iyo xildhibaannada wada hadalo ayaa u socday, xeerkiina waa laga saaray golaha, waxaa loo dhiibay guddi oo xeer cusub oo doorashada lagu galo ayaa la soo samaynayaa, waxa ugu weyni waa saami qaybsiga, saami qaybsigana golahani talo kama gaadhi karo, markaa talo qaran ayuu baahan yahay, waxaa loo gudbinayaa goleyaasha, madaxweynaha, xisbiyada, gobolada Awdal iyo Salalna wixii dhacay waanu ka xunnahay”

 

Guddoomiye xigeenka 2-aad Dr Cali Yuusuf Axmed, ayaa isna sheegay in xeerkani u baahan yahay talo qaran iyo xal waara, maadaama gobolada oo dhani qabaan tabashooyin ku aadan kuraasta ay ku leeyihiin “Arrintan saami qaybsigu waa arrin xaasaasi ah, baarlamaankii naga horeeyay wakhti badan bay ka qaadatay, maaha uun tabashadu labadaas gobole gobolada kale qudhoodu way guuxayaan, markaa waxay nala tahay in arrintaas lala qaybsado golaha oo haddii golaha lagu sii daayo waxay noqonaysaa dhibaato weyn” ayuu yidhi Guddoomiye xigeenku.

XIldhibaannada reer Awdal iyo Salal ayaa sheegay inay habkan shir guddoonku aqbalay ayidsan yihiin islamarkaana u mahadcelinayaan shir guddoonka oo xeerkaasi ka saaray Ajandaha goluhu kalfadhigan ansixin lahaa.

 

COMMENTS
LINKS