DAAWO; Xil. Qabile Oo Duray Cabasho Xildhibaanadda Reer Awdal Ka Muujiyeen Saamiga Golaha Baarlamaanka Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Xil. Qabile Oo Duray Cabasho Xildhibaanadda Reer Awdal Ka Muujiyeen Saamiga Golaha Baarlamaanka Somaliland.
August 13, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa:(Wajaalenews)-Xil. Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Gollaha Wakiiladda Somaliland ayaa markii ugu horaysay  si adag uga horyimid dalab ay cabasho ay Xildhibaanadda Goboladda Galbeedka Somaliland ka muujiyaan Saamiga Kuraasta ay ku leeyihiin Baarlamaanka.waxa uu Xildhibaanku sheegay in Xeerka lagu soo doortay

Xildhibaanada uu ka mid ka yahay ee Hadda Kuraasta Gollaha ku fadhiya uu yahay kii ugu macquulsanaa ee Lagu dajin lahaa Saamiga Beelaha Somaliland,isla markaas uu xidhiidh la leeyahay Degmooyinka Xilalka lagu qaybsan jiray 1960-kii.“ xeer samaysnaa ayuu ahaa,qaabkii ugu quruxda badnaana waa loo dajiyay.Lixdii Degmo ee 19960-kii ayaa horta loo badalay Gobolo.Lixdaas Degmo Hargaysi   Todoba (7) ayay lahayd,Laascaanood-na shan ayay lahayd. Ceerigaabo Shan bay lahayd.Borame Shan bay ahayd.waxuunbaa Xeerkaas lagu dhuftay Labbo iyo Badh markii laga dhigay Lix Gobol.haddii maanta Goboladda Barri cawdaan iyo haddii ay Goboladda Galbeed cawdaan anagu Baarlamaan baanu ka nahay”. Ayuu yidhi Xil. Qabile

COMMENTS
LINKS