DAAWO: Dr Xaglo-Toosiye oo Amarka Ku Bixiyay In Nabad-diidka Cali Khaliif Ka Baxo Magaalada Buuhoodle. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO: Dr Xaglo-Toosiye oo Amarka Ku Bixiyay In Nabad-diidka Cali Khaliif Ka Baxo Magaalada Buuhoodle.
August 16, 2015 - Written by Editor:

Buuhoodle(Wajaalenews) Wefti balaadhan oo uu hogaaminayey Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-Toosiye si weyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Buuhoodle oo socdaal rasmi ahi uga bilaabmay maanta oo axad ah.

dadweyne faro badan oo isugu jira qaybaha bulshada iyo maamulka gobolka iyo degmada  ayaa weftiga wasiirka kaga hor yimid deegaanka kalshaale oo 35 Km dhanka W/Galbeed ka xiga Magaalada Buuhoodle.

Intaa ka dibna Wasiirka cimaadka iyo weftigiisa waxaa loo gelbiyey gudaha Magaalada iyagoo ku soo wareegay waddooyinka dhaadheer ee magaaladaasi, ka dibna dadweynaha kala hadlay meel fagaare ah.

Dr Saleebaan Ciise waxa uu xasuusiyey dadweynaha deegaankaasi in qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland ay tahay mid lama taabtaan ah, cid kasta oo oo isku dayda inay waxyeelaysana tallaabo laga qaadi doono, waxana uu amar ku bixiyey in sida ugu degdega badan ay kooxda nabad diidka ee cali khaliif ay uga baxaan Magaalada Buuhoodle. halka sido kalena wasiirku ugu bushaareeyey dadweynaha Buuhoodle mashaariic horumarineed oo Xukuumada Somaliland ka hirgelinayso Gobolkaasi.

 

 

 

COMMENTS
LINKS