Cabdiweli Gaas Oo Xukumadda Muqdisho iyo Midawga Africa Ka Raadinaya Saanad Militari | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cabdiweli Gaas Oo Xukumadda Muqdisho iyo Midawga Africa Ka Raadinaya Saanad Militari
August 7, 2015 - Written by Editor:

Garoowe(Wajaalenews)-Maamulka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa raadinaya taageero dhinaca qalabka militariga ah oo ay ka helaan Xukumadda Muqdisho iyo midawga Africa ee Somalia taageera.

Hogaamiyaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas, oo wakaaladda Reuters uga waramay arrintan ayaa ku dooday inay Al-shabaab ku kula dagaalamayaan hubka ay raadinayaan, waxaanu yidhi isagoo ka hadlaya taageerada ay u baahan yihiin “Waxaanu doonaynaa in nalaga Taageero; Qalabka Millateriga, isgaadhsiinta, gaadiidka ciidanka, hubka iyo weliba rasaasta.”

Mr Gaas oo sii hadlaya ayaa sheegay inaanay rabin in ciidan lagu taageero  “Ma doonayno Ciidamo ka socda AMISOM inay noo yimaadaan, waayo ciidanka Puntland waa kuwo Awooda inay la Dagaallamaan Al-shabaab,” ayuu yidhi Mr Gaas.

Mr Gaas oo sii hadlaya ayaa ku dooday inay xaq u leeyihiin saannadda ay doonayaan “Saanaddda ciidan ee aan ka doonayno inay AMISOM nagu caawiyo waa mid aan xaq u leenahay inaan ka helno. Waa Maxay sababta ay u caawinayaan ciidamada Muqdisho ku sugan, oo aanay u caawinayn kuwa Puntland jooga? Tani Waxay muujinaysaa Xaq-darrada ay ku dhaqmayso dowladda federaalka Somalia.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland wuxuu intaas ku daray inuu jiro qorshe la doonayo in 3,000 oo ciidamada Puntland ah loogu darayo kuwa dowladda dhexe ee Somalia, kuwaasoo ay Puntland ka heli doonto dhaqaale, balse wuxuu xusay in aan weli arrintaas la xaqiijin.

Maamulka Puntland oo ah meelaha ugu nabdoon Somalia ayaa Al-shabaab ku tahay khatar dhinaca ammaanka ah, iyadoo sidoo kale Mr Gaas ku dhegan yahay qorshe uu doorashada ku galay oo ah inuu Somaliland dagaal la galo si uu u qabsado Gobolka Sool oo uu ku doodo inuu dhul Puntland yahay

 

COMMENTS
LINKS