Bulshada Casimada Hargeysa Oo la Ildaran Biyo La,aan Iyo Xukuumada Dhagaha ka huraysatay Cabashada Danyarta. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Bulshada Casimada Hargeysa Oo la Ildaran Biyo La,aan Iyo Xukuumada Dhagaha ka huraysatay Cabashada Danyarta.
August 3, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Biyo la’aan baahsan ayaa gebi ahaanba ka jirta Magaalada Hargeysa, waxana shacabka ku nool oo tiradoodu maalinba maalinta ka dambaysa soo foodsaartay xaalad harraad oo heerkeedu sii kordhayo. Biyo la’aantan oo ah mid aan hore loo arag, ayaa bilaabantay dhammaadkii bishii barakaysnayd ee ramadaanta, waxana maalinba maalinta ka dambaysa sii yaraanaya biyaha Caasimadda lagu cabbo, iyadoo qiimaha biyuhu sidoo cirka isku shareeray.

 

Surmigan ku habsaday caasimadda oo aan ilaa iyo haatan wax sabab ah loo haynin, marka laga tago hadallo aan la xaqiijin oo Wakaaladda Biyaha Hargeysa ku sheegtay in Beebabkii qaarkood cilladoobeen, qaarkanena shaqo ka socoto, ayaa u muuqda mid aan shacabku kusii jiri Karin, isla-markaana xukuumadda dalka ka talisa, ayaa arrimahaas wax hadal ah kasoo saarin afkana ka xidhatay.

 

Inta Badan Wasiirrada, Xildhibaanada, Agaasimayaasha, Taliyayaasha iyo Saraakiisha kale ee Xukuumadda xilalka kala duwan ka haya, ayaa la aqalladooda ku xidhay Qasabado biyo joogto ah ay ka helaan, iyadoo dad xog-ogaal ahi Wargeyska Hubaal u xaqiijiyeen in Xubnahan intooda badan Guryahooda ay ugu xidhan yihiin Daynamooyin Biyo Xooggan ay kaga shubanayaan keydadkooda Aqallada u dhex yaalla.

Shacabka Caasimadda, ayaa Meehanawgiisa Habeen iyo maalinba la arkayaa, waxana Dumarka iyo Carruurtu ay safaf dhaadheer kula jiraan Goobaha Kaalmaha ah ee ay Biyaha ka cabbi jireen, waxana taagnaadaan wax ka badan saacado, iyagoo marmarka qaarkoodna wax la’aan kala rawaxa.  Golayaasha Wakiillada ee Arrimahani Khuseeyaan iyo Wakaallada Biyaha u xilsaaran ayaan ilaa iyo haatan jawaab rasmi ah ka bixinin, waxana wali jaahwareer iyo warar ku jira shacabka oo aan fahmin dhibaatada keentay inay mar kali ah caasimaddu Biyo la’aan ku dhacdo.

Inkastoo markii horeba Biyaha Hargeysa ay heli jireen oo kali ah Tiro kooban oo Daanta Waqooyi ilaa Dhulka shacabka loo yaqaan oo xukuumaddu deggen tahay ku nooli, haatan dadku waxa ay ka sinmeen haraad iyo surmi, waxana Magaalada meel walba is dhaafaya Gaadiidka Biyaha lagu qaado iyo Gaadhi-ximaarro raadinaya Bar biyood oo noloshooda ku dabbaraan.  Qiimaha Biyaha ayaa cirka isku shareeray, waxana Foostada Biyaha ahi Meelo caasimadda katirsan ay maraysaa 50,000, oo sl shilling ah, iyadoo lagu wado inay maalmaha soo socda sii kordhi doonto.

“Maanta macmiilkaygii wuxuu yidhi lacagtii way korodhay, waxana uu foostada biyaha ah iga siiyey Shan dollar(37000sl shiling), waana qiime aanaan iska bixin Karin, iyadoo ay biyuhu noloshii yihiin.” Ayey tidhi hooyo raxma oo kamid ah danyarta ah ee hargeysa ku dhaqani. Waxa naloo sheegay in aqallada wasiirrada iyo xildhibaanada ay ku jiraan Daynamooyin Biyaha ku tuuraya Meelo sare, Biyihii Magaaladuna Weelkooda ka Buuxaan.”ayey tidhi Hooyo Ifraax oo ka Hadlay qiimo kaca ku yimi Biyaha.

 

COMMENTS
LINKS