Baanka Dhexe Ee SOmaliland Iyo Waayo-aragnimada Uu Ka Heli karo Hab-maamulka Lacagaha Zaad-ka Iyo Edahab-Ka Haddii Uu u Maro Hab-raaca Maamulka Lacagaha Sidan Oo Kale ah Ee Dalka Nigeria. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baanka Dhexe Ee SOmaliland Iyo Waayo-aragnimada Uu Ka Heli karo Hab-maamulka Lacagaha Zaad-ka Iyo Edahab-Ka Haddii Uu u Maro Hab-raaca Maamulka Lacagaha Sidan Oo Kale ah Ee Dalka Nigeria.
August 31, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews) Baanka dhexe ee wadanka Nigeria ayaa soo saaray xeerka maamulka lacagta electronic-ga ah ee MObile-lada la iskugu diro sannadkii 2009, balse dhawr jeer oo kala duwan ayaa dib u habayn lagu sameeyay.

inkasta oo uu dalka Nigeria doonayo inuu sannadka 2020 gebi ahaanba lacagtiisa ka dhigo mid electronic ah, isla markaana ay ay ka jiraan shirkado madax banaan oo sida SOmaliland lacagaha ku xawila mobile-ladu, haddana waxa gebi ahaanba maamula Baanka dhexe ee dalkaasi.

macmiil kasta oo shirkadaha ka ganacsada mobile-ladu u furaan inuu mobile-kiisa lacag ku dirsan karo amaba loogu soo diri karo iyo shirkad kasta oo ka shaqaysa hawlahani waxa uu Baanka dhexe ee dalkaasi ka dhigaa lacag deebaaji amaba damaanad ah oo haddii habka lacag dirista khasaare ka dhasho damaanad ahaan looga hayo.

haddaba, iyada oo ay sannadihii u dambeeyay soo koraysay lacagaha electronic-ga ah ee SOmaliland, isla markaana ay yartahay saamaynta uu Baanka dhexe ee SOmaliland ku leeyahay maamulka dhaqaalahani, waxa aanu cilmi baadhis ku samaynay bal sida ay SOmaliland uga faa’iidaysan karto wadanka Nigeria.

tusaale ahaan wadanka Nigeria marka qof loo diiwaan gelinayo mobile-kiisa inuu qayb ka noqdo barnaamijka lacagaha la iskugu diro ee Mobile-lada, waxa ku waajib ah inuu Baanka dhexe ee dalkaasi lacag deebaaji ah oo qadarkeedu dhan yahay 150,000 oo lacagta wadankaasi ahi ay deposit ahaan uga yaalaan baanka dhexe ee dawladda, halka shirkada ka ganacsanaysana ay deebaaji ahaan u dhigayso lacag qadarkeedu dhan yahay 1 Million oo lacagta wadankaasi ah oo u dhiganta US Dollars.

balse dib u eegis lagu sameeyay laba sannadood ka dib waxa laga dhigay in qofku dhigo Baanka dhexe 500,000 oo lacagta wadankaasi ah, halka shirkadana laga dhigay 3 million oo lacagta dalkaasi.

 

marka la eego damaanadda dalka Nigeria ka dhigayo Baanka dhexe ee dalkaasi shirkadaha iyo shakhsiyaadka Isticmaalo lacagta electronic-ga, wadanka SOmaliland isaga Baanka dhexe wax damaanad ah kama qaado, isla markaana haddii ay khasaare yimaado ma jirto meel loo raaco lacagahaasi.

sidaasi darteed waxa lagama maarmaan ah in Baanka dhexe ee SOmaliland saamayn ku yeesho lacagahani shirkadaha madax banaani maamulayaan, isla markaana sharciyada shirkadahani dib loogu noqdo si looga hortago khasaare soo gaadha dadka isticmaalaya shirkadahani ee ay hantidoodu ku jirto, tusaale ahaan, haddii mid ka mid ah shirkadaha ka ganacsada lacagta electronic-ga ah doonayo inuu guri kaa iibsado isaga ayaa xaddiga uu doono kuu diri kara isaga oo isticmaalaya mobile-kiisa isla markaana aan lacag u baahan sababta oo ah isaga ayaa xadiddaya inta qof diri karo, cid la xisaabtantaana ma jirto, isla markaana waxa uu urursanayaa lacagta wadanka oo dhan taala.

sidaasi darteed marka la ina barbardhigo wadanka Nigeria shirkadu ma diri karto xaddi lacageed oo aanay damaanadeedu oolin Baanka dhexe ee dalkaasi.

 

haddaba si looga hortago in bulshada qayb yar oo keli ah kelideed hantida wadanka oo dhan gacanta ku hayso waxa lagama maarmaan ah in la sameeyo sharci la mid ah ka Nigeria, isla markaana Baanka dhexe maamulo xadiga lacageed ee ay shirkadi diri karto, iyada oo lagu sargoynayo xaddiga damaanadeed ee ka yaala Baanka dhexe.

la soco qaybo kale oo ka mid ah sida ay wadamada dunidu u maamulaan lacagaha Mobile-ka ah.

QALINKII AQOONYAHAN HASSAN ALI AADAN

HARGAYSA SOMALILAND

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS