Astaamaha Hogaamiyaha Suuban…Q 1aad W.Q Kaptanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Astaamaha Hogaamiyaha Suuban…Q 1aad W.Q Kaptanka
August 17, 2015 - Written by Editor:

Hogaamiyaha Suuban waxaa uu leeyahay astaamo ka badan wax qoraalo lagu soo koobo lakiin waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa qaar mihiimadooda leh oo ka mida astaamahaas.

KABTANKA

Hogaamiye Cidkasta way noqon karta lakin Hogaamiye Suuban cidwaliba ma noqon karto hogaamiyaha Suubani waxa ilahay u abuuray si gaara tusaale hadaan kusiiyo shinidu waxay leedahay boqorad lakin boqorada shinidu waa ay u dhalataa boqor nimada waxaana ilahay u abuuray si ka duwan shinida kale (mentally and physically) waxayna leedahay oo ilaahay subxaanahuye uu siiyey awoodo dheeraada

. Hadaba Hogaamiyaha Suuban isaguna sida shinida ayuu marka hore ilahay u sameeyay qaab ka duwan dadka caadiga ah waxaana loo sameeyay qaab Hogaamiye Suuban inkastoo aanu sida shinida qaab ahaan dadka ka waynayn kana midab duwanayn hadana waxa uu leeyahay awoodo dheeraada oo ilahay siiyey qofkii u fiirsada ee caqli lihina uu ku garan karo xitaa waqtiga aanu xilba haynin ee uu shacabka yahay.

Astaamah bud dhiga u ah Hogaamiyaha Suuban afar ayaa shuruud u ah hadii laga waayana aanu qofku ku sifoobayn Hogaamiye Suuban hadii laga waayo mid ka mida afartan qodob oo kala ah afar xarafka  “D” ka bilaaban ta sida tan

1 Deeq waana inuu noqda qof gacan furan oo aan bakhayl ahayn oo dadka wixiisa uu leeyahay wax ka siin kara waayo bakhayl ma noqdo Hogaamiye Suuban.

2 Dirir waa inuu  yeesha Hogaamiyaha Suuban marka ay dagaal noqoto waa inuu ismuujiyaa waayo fule ma noqdo Hogaamiye Suuban waxaan ku hoos jirta inuu waqtiga adag go,aan qaadasho geesinimo leeyahay nin bila go,aani kuma sifoobo Hogaamiye Suuban.

3 Dulqaad waa in laga helaa Hogaamiyaha Suuban oo uu noqda nin wax kasta oo umada uu hogaamiyo deel qaaf kaga yimaada dul qaad u leh waayo dulqaadku wa deeq Allah S.W bixiyo Somalidu waxay tidha Samraa Sadkii Hela hadii ninka hogaamiyaha ah dulqaad laga waayo kuma sifoobi karo Hogaamiye Suuban.

4 Dood waa inuu leeyahay waa inuu noqdo nin afkiisa dadka wax kaga dhaadhicin kara oo codkara oo leh farsamo wanaagsan oo uu codkiisa ku gudbin karo isagoo soo jiidanaya ummadiisa oo waxii wax laga waydiiyo ka doodi kara talaabo kasta oo uu rabo inuu qaadana kala munaaqishooda oo kala dooda hawl wadeenadiisa isagoo go,aanka isagu leh hadana dadka la tashada…..

lasoco qaybaha danbe

Allaa Mahad leh

COMMENTS
LINKS