Askari Ka Tirsan Ciidanka Booliska Oo Toogtay Dhaawac Culusna U gaystay Maxbuus Ku Xidhnaa Saldhiga Koodbuur Ee Magaalada Hargeysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Askari Ka Tirsan Ciidanka Booliska Oo Toogtay Dhaawac Culusna U gaystay Maxbuus Ku Xidhnaa Saldhiga Koodbuur Ee Magaalada Hargeysa.
August 14, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa:(Wajaalenews)-Askari ka tirsan ciidanka booliska jamhuuriyadda Somaliland ayaa saaka toogasho fool-xun ka geystay gudaha saldhigga Ibraahim Koobduur ee magaalada Hargeysa.

Askarigan ayaa hiirtii Waaberi ee saaka toogtay isla markaana rasaas xooggan madaxa kala dhacay Wiil yar oo arday ah oo maxbuus ku ahaa saldhiggasi.

maxbuuska

Ardaygan oo lagu magacaabo Cabdilaahi Dayib Cabdi Korse, ayay rasaastu ka haleeshay Madaxa, Lugaha iyo waliba Gacmaha. Waxaanu haatan ku jiraa xaalad aad u culus.

Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa dhaawacii ardaygaasi loola cararay waxaana naloo sheegay in markii rasaasta la huwiyey uu ardaygani jiifay mid ka mida qololka xabsiga.

maxbuuska 3

Mar aanu cisbitaalka ku booqanay ayaanu soo aragnay ardaygaasi oo xaalad adag oo miyir-doorsoon ah ku jira isla markaana qaba dhaawacyo culus oo kaga yaalla Madaxa ilaa Mijaha.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay sababta askarigani u toogtay wiilkan, waxaana loo badinayaa in rasaastu ay ka fakatay askariga, mar uu askarigu doonayey in uu kala qabto maxaabiis islaynaysay.

Weli xukuumaddu kama aanay hadal falkan foosha-xun, ilaa haatanna ma jirto cid ka hadashay ama cadaysay sababta rasmiga ah ee askarigani u toogtay maxbuuskan ku jiray gacanta dawladda.

Wiilkan yar ee ardayga ah oo xaaladdiisu aad u culus tahay ayaa kasoo jeeda qoys danyaro ah, waxaana la ii sheegay in loo xabisay shaqaaqo dhalinyaro oo aanu kuba jirin.

Hooyada wiilkan oo lagu magacaabo Ceeg Jaamac ayaa iyada laftarkeeda haatan xaaladdeeda caafimaad ay halis gashay kadib markii ay aragtay dhaawacyada argagaxa leh ee wiilkeeda gaadhay.

Ceeg Jaamac oo cisbitaalka gudihiisa aanu kula kulanay ayaa noo xaqiijisay dhacdadan iyo qaabka naxariista daran ee rasaasta loogu shaandheeyey wiilkeeda.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa  maalmo yar kadib markii ciidamada boolisku ay wiil aad u da’yar si toos ah ugu toogteen isla magaaladan Hargeysa.

Waxaana haatan aad loo hadal-hayaa dilalka oo kusoo badanayaa dalka.

COMMENTS
LINKS