Arday 14 Jir Ah Oo Mindi Ku Dilay Macalinkiisii Oo 50 Jir Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Arday 14 Jir Ah Oo Mindi Ku Dilay Macalinkiisii Oo 50 Jir Ah.
August 10, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) ;Sida uu qoray wargaysa Emirate 24 todobaadkan arday da,adiisa lagu sheegay 14jir ayaa mindi ku dilay macalinkiisii oo 50 jira taasi oo keentay geerida macalinkan halka 11 sano oo xadhiga lagu xukumay ardaygaas.

ARDAY MACALINKIISI KU DILAY TOORAY

Dhacdadan naxdinta leh ayaa ka dhacday school kuyaala tuulo waqooyiga wadanka ingiriiska ah taasi oo argagax galisay ardaydii wax ka baranasay schoolkaas inkasta oo aan la magacyadooda la sheegin marxuumka iyo gacan ku dhiiglaha arimo xaga sharciga wadankaas ah.

Ardaygan ayaa sida la sheegay hore u qorshaystay khaarajinta macalinka mudo kahor intaanu dilin isaga oo saaxiibadiisa ay isku galaaska ahaayeen ugu faanay inuu dili doono macalinkooga sida ay sheegeena kusoo post gareeyay bartiisa internetka ee facebooka iyada oo waliba dilka kahor 40 minute kahor dilka marlabaad kusoo celiyay facebook giisa oo ay like gareeyeen ugu yaraan 60 saaxiibadiiya sida lagu baahiyay shabakadan.

 

Ardaygan ayaa sida la sheegay mudo kahor eryay macalinkani schoolka isaga oo ugu daray in uuna kusoo noqonayn schoolka taasina ay keentay shilkan.

Halka mid kamida macalimiinta schoolkaas wax ka dhigaa oo ay aad isugu dhawaayeen ama saaxiibo ahaayeen macalinkan la dilay uu sheegay in hadalada macalinkan markii ugu danbaysay ahayd ‘ waan iskaga tagayaa macalin nimadan oo waxan ka qaaday dhaawac maskexeed iyo mid jidheedba’ ayaa lagu sheegay warbixintan.

COMMENTS
LINKS