“Anagu Xildhibaanada Warbixin Aanan U Dhiibin Ayay Akhriyeen….Warbixintayaduna Way Cadahay”Mareeyaha Haamaha Shidaalka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Anagu Xildhibaanada Warbixin Aanan U Dhiibin Ayay Akhriyeen….Warbixintayaduna Way Cadahay”Mareeyaha Haamaha Shidaalka
August 30, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa (Wajaalenews)-Mareeyaha Haamaha Shidaalka Barbera Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa sheegay in aanay siin wax Warbixin Guddida dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka ee ay u akhriyeen Golaha Wakiilada .

Mareeyuhu waxaa uu cadeeyay in guddida dabagalka musuq ee golaha wakiilada ay kulan wada yeesheen, balse aanay siin warbixinta ay ka hor akhriyeen golaha wakiilada Somaliland, isagoo ku dooday in haamaha shidaalku ay ku shaqeeyaan miisaaniyada uu golaha wakiilada u ansixiyey 2014kii.

Mudane Saleebaan oo arintan ka hadlaya waxaa uu yidhi “guddida aanu kulanay waxaan xilka hayay sanad buuxa, markaa warbixintii shalay guddidu golaha hor keentay dee waxaanu anagu u sheegnay iyo hanaan xisaabeed ay anaga naga heleen midna may ahayn. Runtii waxaanu u soo gudbinay odoroska miisaaniyaddayada 2015-ka, markaa shalay golaha wakiiladu waxay sheegeen in kharash dhan 24 Milyan haamaha ka soo baxaan, runtii waa arrin la yaab u leh. Kharashka aanu ku shaqaynaa waa kii goluhu noo ansixiyay 2014, kii sanadkii ka horeeyayna waanu ku shaqaynaa, waxaanay martaa hab xisaabeed adag oo litirkasta oo shidaal ah cashuurta ama adeegga laga qaado maalinleh iyo sanadleh ba xisaab adag bay martaa”Ayuu Yidhi Mareeyaha kaydka Haamaha Shidaalku.

Sheekh Saleebaan Waxaa uu sheegay in xildhibaanada golaha wakiilada ay akhriyeen warbixin aanay ku shaqayn haamaha shidaalka “Markaa Warbixin aanan u gudbin ayay xildhibaannadu yidhaahdeen maamulkii haamaha ayaa noo soo gudbiyay, markaa anagu warbixintaas umaanu gudbin, warbixintayaduna way caddahay. Waraaqaha ay naga hayaan, kuwa xafiiskayga yaala iyo kuwa wasaaradda ganacsiga yaala saddexduba way siman yihiin, markaa waxaa wanaagsanayd inay wixii aanu isku ogayn uun sheegaan.”Ayuu Yidhi Sheekh Saleebaan

Guddida dabagallka hantida qarn ee golaha wakiilada ayaa warbixin ay sheegeen in uu siiyay maareeyaha haamaha shidaalka u akhriyay golaha wakiilada Somaliland.

COMMENTS
LINKS