Zidane Iyo Cartuurta uu Dhalay oo Ciyaar Qurux Badan Ku Soo Bandhigay Dalka Kuwait. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Zidane Iyo Cartuurta uu Dhalay oo Ciyaar Qurux Badan Ku Soo Bandhigay Dalka Kuwait.
July 13, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)-Xiddigii hore Qaranka France iyo kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa dalka Kuwait kala qeyb galay tartanka Furitaan koobka bisha ramadaan oo lagu maamusayay isaga oo ka hor tagay koox reer Kuwait ah .

Zidane ayaa ku soo bandhigay ciyaar ay farsamadeed aad u sareyso waxaana ku wehliyay ciyaartaas caruurtiisa oo uu hor kacaayo wiilkiisa curdeed Enzo iyo walaalkii.

Sidoo kale Zidane ayaa Dubai kaga qeyb galay kulan kale oo wadank dubai ah waxaana ku wehliyay laacibkii hore qaranka Holland Edgar Davids oo ay hore uga soo wada ciyaareen kooxda Juventus ee dalka Italy iyo laacibkii hore Spain ee Míchel Salgado oo isagana ay markii danbe ay ahaayeen isku koox iyagoo ka wada ciyaarey kooxda maal qabeenka ah ee Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain.

Laacibkan Zidane ayaa ah nin in badan kubada cagta ku soo qaatay waayo fiican isagoo kubada ku soo kordhiyey wax badan ayaa imikana waxa uu ka shaqeeyaa sidii loo caawin lahaa dadka Masaakiinta ah iyo meel kasta oo u baahan mucaawinimo ama bani aadanimada isagoo ciyaara xafladaha lacagaha loogu uruurinaayo dadka noocaas ah ee dhiban

Zidane waa laacibka kaliya ee ilaa imika hadii uu ciyaarayo qof walba oo aduunka ku nooli uu jeclaysto in uu daawada iyadoo marka uu ciyaarayo ciyaaraha dadka baahan lacagta loogu uruurinaayo ay ka soo qayb galaan malaayiiin qof oo aduunka daafaheeda ku nool.

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

 

 

COMMENTS
LINKS