|
|||||
WAJAALE NEWS
Yaan Ummada Lagu Dhicin Wacdi Sh, Jaabir Herblist.
July 12, 2015 - Written by Editor:In kastoo naska quraanka iyo sunaha rasuulkuba s.c.w inagu dhiiri galiyeen wacdiga iyo waanada muuminiinta hadana ma banaana in dadka qiiro lagaga qaado maalkooda, si taasi aanay u noqon wax nusqaan ku ah haybada diinta islaamka iyo culimada, waa in laga feejignaado inaad ayaado iyo axaadiis dabada u qabto dad ay laxojecladu kasoo horayso oo u arki kara inaad dawarsi wado ama maalkooda ku socoto, ummadan oo u dhalatay gacan furan iyo diin jacayl iyo culimo jacayl maaha in hadh iyo habeen goor iyo ayaan lagu qayliyo muxaadarooyin mashaariic ah, waxaad arkaysaa niman culimo ah muxaadaro ka qabanaya masaajida iyo warbaahinta kala duwan kuwaas oo haday sako noqoto iyo haday tabaruc noqotaba aad moodo inay tartan ku jiraan,runtii waad yaabaysaa markaad aragto caamada oo cabanaysa ama qarka usaaran inay diintii ama culimadii nacaan, waana gar iyadoon dadka la barin diinta in wacdi ay ujeedo kasoo dhex saari karaan joogto lagaga dhigo,sida masaajid aan dhamaanayn oo la dhisayo ama ku la waynaynayo ama ku meel cilo ah oo aan dad joogin laga dhisayo ama aad arkayso labo masaajid oo isku muuqda talaabo talaabo isku jira, runtii taasi waxay ku odhaynayaa miyaa la dilaalaa masaajidan hadaba waa yaabe?! Sidaas darteed waxaan nasteexo ahaan usoo jeedin lahaa in culimadu habkan casriga ah wax ka badalaan, shiraan is ogaadaan meel la iskugu geeyo wacdiga iyo wax sheega diiniga ah ee ummada si loo helo culimo midaysan iyo ummad raali ka ah oo ku kalsoon,sidoo kale waxaa xukuumada ku waajib ah inay arrintaas waxii kala gudboon ee waajib ah gudato hadiise wasiirkeedii awqaaftu uu afar culimo ah ku dhex milmo waxaa muuqanaya in xoolo badan oo umadeed loo leexin karo ujeedooyin gaara oo aan anficin dhamaan bulshada, balse ay ka faaiidaystaan dad aan culimo ay yihiin la garanaynin runtii waa arrin dareenkeeda leh, waayo sakada maalka ee ummada laga qaado sanad walba waad yaabaysaa tiradeeda wax ay xukuumada talada haysaa ka ogtay ma jirto, wataas kolba masjid cid ku tukata aan la hayn lagu dhisayo ama meel kale oo shisheeye loo dirayo waayo maanu arag wado lagu dhisayo ama ciidan qaran oo la siinayo ama cusbitaal wax loogu qabanayo Guntii iyo gabagabadii waxaan soo jeedin lahaa waa in la iska daayo waxii bulshada muslinka ah shaki ka galin kara jacaylka diinteeda iyo culimadeeda isla markaana la helo cid daacad ka ah wax u qabadka dadkan iyo dalkan sidoo kale waa in dadka la barro sakada iyo axkaamteeda sadaqada caamka ah iyo fadligeeda isla markaana ikhtiyaarka bixinta iyaga loo daayo hadii kale waxaa soo socota wadaad xaafadayada ah baan u dhiibaa inigu inay dadku yidhaahdaan.
Sh Jabir Hargeisa COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|