|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumadda oo ka hadashay Dhammeystirka Shuruudo Shirkadaha Ajaanibka ahi ku xidheen Sahaminta Shidaalka
July 29, 2015 - Written by Editor:Burco,(Wajaalenews)- Xukuumada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay dhowaan dalka iman doonaan madaxda shirkadda sahaminta shidaalka Genel Energy isla markaana ay meel fiican u marayaan dhamaystirka shuruudo ay shirkadaha Sahaminta shidaalku ku xidheen inay dib u bilowga hawlahaha Sahaminta oo ay hore u joojiyeen. Shirkadda Genel Energy oo ka mid ah shirkadaha heshiiska kula galay xukuumadda Somaliland baadhista iyo Sahaminta kheyraadka dalka, isla markaana hore u bilowday hawsheeda, ayaa badhtamaha sannadkii hore joojisay howsheeda, dalkana uga baxday arrimo xagga ammaanka ah, waxaanay markii dambe oo wada-hadallo dhexmareen xukuumadda oo ay oggolaatay inay dib ugu soo laabato hawshiisa, waxay shuruud uga dhigtay in la sameeyo ciidamo u gaar ah oo ilaaliya ammaanka Shaqaalaha iyo Agabka shirkadda oo Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey arrintan isagoo ku sugan magaalada Burco, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan wadaan dhamaystirka shuruudahii laga sugayey oo ah abuuritaanka ciidan ilaaliya sahaminta hawlaha shidaalka, iyadoo loo raacayo talooyinkii laga bixiyey. “Wasiiradii loo xilsaaray iyo xukuumadu waxay wadaan buuxinta shuruudahii looga baahnaa, abuuritaanka ciidamadii loogu talogalay ilaalinta hawlaha sahaminta shidaalka, waxaana loo raacayaa talooyinkii shirkaddii loo xilsaaray ka bixiyeen Xukuumada Somaliland way ka go’an tahay horumarinta iyo soo saarka kheyraadka dalka, oo faa’iido weyn u yeelan doona shacabka iyo horumarka dalka,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi ayaa sheegay in dhowaan dalka iman doonaan masuuliyiinta shirkada sahaminta shidaalka ee Genel, oo ujeedada socdaalkoodu yahay in labada dhinac isla meel dhigaan qorshayaashooda ku wejahan sahaminta shidaalka Somaliland iyo hawlaha dhinac kasta kaga beegan dhammaystirkeeda. XIGASHO’Himilomedia.com Related posts:Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Walaac Ka Muujiyay Xaalada Dalku Marayo Iyo Fariinta Uu Udiray Haldoork... Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Waabari Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Gabi... Madaxweynaha jsl oo mashaariic dhawra Soo kormeeray, Qaarna xadhiga ka jaray,Magaalada Barbera+Daaw... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|