Xukumadda Siilaanyo Oo Maxamed Cabdillaahi Cumar Ka Doonaysa Inuu Shacbiga Ka Qanciyo Sirta Wikileaks Faafiyay Ee Federalaynta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukumadda Siilaanyo Oo Maxamed Cabdillaahi Cumar Ka Doonaysa Inuu Shacbiga Ka Qanciyo Sirta Wikileaks Faafiyay Ee Federalaynta
July 15, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Dr. Cumar Cilmi Dixood, lataliyaha madaxweynaha Somaliland ee dhinaca siyaasadda, ayaa sheegay inaan la dafiri karrin xogta shabakadda siraha dunida faafisa ee Wikileaks soo bandhigtay kuna sheegtay in 18-02-2012 xukumadda Siilaanyo heshiis lagu samaynayo Federal la saxeexatay Somalia.

dr cumar duxood

Dr. Dixood oo maanta saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in Wasiirkii arrimaha dibadda ee wakhtigaasi Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar uu bulshada Somaliland ka qanciyo arrintaasi.

Todobaadadii la soo dhaafay markii warkaasi soo baxay waxaa ka hadlay Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo eedeeyay Wasiir Xirsi oo isna hore u sheegay in arrintaasi khusayso Dr Maxamed Cabdillaahi. Wasiirka hore ee khaarajigu wuxuu ku dooday inaan warkaas waxba ka jirin, Xirsina u muuqdo mid mucaarad ku ah xukumadda uu ka tirsan yahay.

“Wikileaks waa Website caalami ah,waxaas uu soo saaray dee horta lama beenin karo, Waayo?, Inta badan caalamka waxyaabo dawladdaha uuni ogyihiin baa jira laakiin, Nin-nin Daboolka wax ka qaada oo cadho qaado oo yidhaahda aduunka shacabkiisu ha ogaado ayaa jira.markaa warkan uu ninkani soo saaray ee Somaliland ku soo baxay, anigu waxaan u malaynayaa in arrintaasi khusayso Maxamed Cabdillaahi, Wasiirkii arrimaha dibadda ee hore ayay khusaysaa, dawladda Somaliland shuqul kuma laha wixii halkaasi lagu soo saaray, waayo?, Maxamed Cabdillaahi shirar uu gali jiray baa jira oo gaar u ahaa, inta bandanna waa kii kaligii socon jiray” ayuu yidhi Dr Dixood.

Lataliyahan dhinaca siyaasadda ee Madaxweyne Siilaanyo waxa uu intaasi raaciyay “Anigu waxaan qabaa, markii isagu uu arrintaasi ka hadlayay may ahayn inuu Wasiir Xirsi Isku soo jinbaco(Eedeeyo), may ahayn inuu Xirsi dusha ka fuulo,haddii lagu haysto nin dabadaada jooga ama kaa fog la iskuma qaado ee waa la is difaacaa, markaa hadduu isagu is difaacayo ha is difaaco laakiin, aniga igamay dhaadhicin sababta uu Xirsi iskugu qaaday, waxaan u arkayay khalad. Haddii uu Xirsi dambi u hayso ama anigaba I haysto goordhaw ha ku mushxarado laakiin, marka hore dadka ha qanciyo oo ha yidhaahdo sidaas may ahayne sidaas bay ahay, dadku waxay doonayaan in la qanciyo” ayuu yidhi Dr Dixood.

Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid, oo 13-kii bishan ka hadlay jiritaanka warqaddan ayaa bulshada u sharaxay nuxurka warqaddaasi xambaarsan tahay waxaanu yidhi “Warqaddaas ay Wikileaks fidisay haddaynu turjumaadeeda intii inaga khusaynaysay aynu ka eegno, waxa weeye waxay yidhaahdeen “Dawladda kumeel gaadhka ah ee Somalia, Jamhuuriyadda Somaliland, maamul goboleedka Puntland iyo dhawr urur oo maleeshiyaadka Somalia raacsan ka mid ahi waxay saxeexeen heshiis nuxurkiisu yahay baarlamaan cusub oo laba gole ka kooban, iyo dastuur cusub oo ogolaanaya nidaam federal ah oo loo sameeyo Somalia, taariikhdu markay ahayd 26-02-1432 Hijiriyada oo waafaqsan 18-02-2012,” waaba intaas warqada Mucaaradka oo dhammi la qaylinayay”

 

COMMENTS
LINKS