|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukumadda Muqdisho Nin Boorama Ku Sugan Al-shabaab Ku Xidhiidhisay Dul Dhigtayna Lacag Dhan 5000 Doolar
July 16, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)Xukumadda Somalia ayaa Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, oo ah Muwaadin reer Somaliland ah, kuna sugan Boorama ku dartay Liiska 12 Nin oo ka tirsan Al-shabaab oo madaxooda lacag la dul dhigay. Xukumadda muqdisho ayaa bilawday barnaamij ay ku magacowday ajar shaqayso adduunna qaado oo lacag lagu siinayo cida soo sheegta saraakiil Al-shabaab ah. Haddaba ragga la shaaciyay waxa sawirkiisa iyo magaciisu ku jiraan Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo ku sugan Boorama islamarkaana sheegay inaanu lug ku lahayn eedda arrinta loo haysto iyo ururka lagu tiriyay. Haddaba Markii Telefishanka xukumadda Muqdisho laga sii daynayay Magaca Ninkan oo magaciisa wax laga khalday balse qaybo magaca ka mid ah iyo sawirku saxsan yihiin ayaa eedihiisa sidan loo dhigay “Cabdinaasir Axmed Buuni, Kooxda Ugus(Al-shabaab) wuxuu ugu xilsaaran yahay dhaqaale ururinta iyo isu gudbinta hubka, isagoo dhaqaalaha uga soo ururiya Ururada, hay’addaha iyo ganacsatada gudaha iyo dibadda, haddaba cidii haddaba soo sheegta halka uu ku sugan yahay amaba soo sheegta macluumaad lagu soo gacan galin karo, waxaa lagu abaal marin doonaa Shan kun oo dollarka Maraykanka ah” ayay tidhi xukumadda Somalia. Haddaba Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, oo markii habeen hore warkaasi soo baxay kadib BBC-da la xidhiidhay ayaa arrintaasi iska difaacay waxaanu yidhi “Waxaa igu kallifay inaan idin la soo xidhiidho in aan bulshada gudo iyo dibadba u sheego in waxaas ay sheegeen ee ah inaan Carabaha lacag uga soo Ururiyo oon hubka iyo dhaqaalaha u kala gudbiyo, aniga waa la I yaqaanaa oo waxaan ka soo jeedaa qoys caan ah, anna ma ihi qof waxaas iyo wax u dhigma toona lagu tuhmayo, waana dambi aniga iyo intaan metelaba laga galay” Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, oo la waydiiyay inuu xidhiidh la sameeyay xukumadda Muqdisho waxa uu ku jawaabay “Anigu awal horena xidhiidh lama lahayn, haddana meel lagala xidhiidho ma joogo oo anigu Koonfur ma joogo,waxaanan hadda ku suganahay xarunta gobolka Awdal ee Boorama, dhalasho ahaanna qof halkan ka soo jeeda ayaan ahay”. Waxa uu sheegay in haddii uu lug ku leeyahay arrinta lagu eedaynayo aanu joogeen Somaliland oo khibrad u leh dabagalka Argagixisada, waxaanu ku macneeyay arrintaasi eedayn aan sall lahayn oo lagula dul kufay, waxaanu sheegay inuu doonayo in laga xaal mariyo gefka lagula kacay. Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni waxa uu intaasi raaciyay “Xalay markii arrintani soo baxday waxaan markiiba la xidhiidhay guddoomiyaha Gobolka Awdal iyo taliyaha qaybta Booliska Awdal waxaanan u sheegay in arrintani jirto,markaa waxaan ahay nin ku xidhan dawladdiisa arrintana bari ka ah, markaa wax kasta oo lagula xidhiidhi karo Xukumadda Muqdisho oo iyaguna ku qancayaan dariiqeeda waa la marayaa”.
Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, waxa uu sheegay inuu la xidhiidhi doono Xukumadda Muqdisho isagoo kaashanaya dawladda Somaliland ee uu Muwaadinkeeda yahay islamarkaana arrintaasi ka dacwoon doono. Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta xukumadda Muqdisho oo arrintan wax laga waydiiyay ayaa ku dooday in arrintan xogteeda ay hayso Hay’adda sirdoonka Somalia cidii dacwad ka qabtaana la xidhiidhi karto iskana difaaci karto hay’addaha sharci dejinta. – Related posts:DAAWO; Abwaan Daaha Cabdi Gaas Oo Maansada Cusub Ee “Mudaacade” kaga Soo Jawaabay Maansooyinkii ... Madaxwaynaha Dawlad Deeganka Somalida Itoobiya Oo Wax Laga Waydiiyay Ujeedada Safarka Uu Ku Yimid So... Qaar Ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI oo Kulan Kadis ah La Yeeshay Aqoonyahan Maxamed Cali Bi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|