XOG CULUS’ Xukuumada Siilaanyo Oo Qaaday Jidkii Uu Ku Guuldaraysay Xisbigii UDUB +Qadarka Lacagta La Duldhigay Xubnaha Iska Casilay Xisbiga Wadani. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
XOG CULUS’ Xukuumada Siilaanyo Oo Qaaday Jidkii Uu Ku Guuldaraysay Xisbigii UDUB +Qadarka Lacagta La Duldhigay Xubnaha Iska Casilay Xisbiga Wadani.
July 25, 2015 - Written by Editor:

XUBNO GANACSATO AH OO KU HAWLAN BURBURINTA XISBIYADA MUCAARIDKA IYO SOBABAHA KA DANBEEYA.

MAXAA KEENAY IN XILIGAN XUKUUMADA DOORBIDO TAAGEERAYAASHA XISBIYADA MUCAARIDKA XILI KUWII SOO DOORTAY  BILAA RAJO YIHIIN?

hot newsKULMIYIHII SHALAY

HARGAYSA(Wajaalenews) waxaa maalmihii ugu danbeeyay saaxada siyaasada iyo warbaahintaba ka muuqday xubno sare sare oo kamid ahaa Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani oo iska casilay kuwaasi oo dhamaan sheegay in ay qaarkood yeeshaan dano shaqsi halka kuwa kalena ay ku doodeen in hogaanka xisbiga wadani ka leexday jidkii ay ku doorbideen marka hore iyo waxyaabo ay isku ogaayeen,

Hadaba xubnaha hadalkooda iyo xogaha rasmiga ah  ee kasoo baxaya ilo xogogaala ayaa daaha ka fayday  in xaqiiqda iscasilaada xubnaha ay ka danbayso xukuumadu kuwaasi oo gabi ahaanba lagu fan gareeyay aduun faro badan iyo balan qaadyo xilal ay xukuumada ka qabtaan,

xogahan ayaa badka soo dhigay  qadarka lacagta lasiiyay cida sida tooska u waday iyo ujeedada ka danbaysa taasi oo ay sheegay in ay tahay sidii bulshada looga mashquulin lahaa xisbiyada mucaaridka iyadoo loo tusayo in gabi ahaanba aanay jirin xisbiyo mucaarid.

Waxa kale oo xogtani ay iftiimisay  in qorshahan  ay ka danbayso sidii bulshada looga qarin lahaa boobka hanto qaranka  lagu hayo iyo musuqmasuqa oo noqday wax iska cadiya .

dhanka kale xukumada siilaanyo ayaa iyadu indhaha ka qarsatay kaatiriintii xisbi xaakimka kulmiye oo gabi ahaanba diba ka jooga xukuumada iyo shaqaalaha dawlada marka laga reebo shaqsiyaad reernimo ku helay shaqooyin hoose,

waxaa xusid mudan hadii aad tagto xarunta xisbiga kulmiye ay wali dhex tuban yihiin dad wali  naawilaaye in mar uun xisbigoodi ay ka helaan wixii ay ugu soo halgameen,

kuwaasi oo madaxda xisbigu ku sabaan dhamaanteen waalaynaga wada guureen marka aan anagu dalka qabsano ayaydin wax noqon .waa dumar, dhalinyaro, mana quustaan,

Dhanka kale xubanahan is casilay ayaa sida xogahani tibaaxeen  mid kasta lagu kharash gareeyay qadar lacag oo dhan mid 20,000 Labaatan kun oo dollar halka qaarkoodna loo balan qaaday xilal sare oo kamida xukuumada xiligeedii dhamaaday,

Halka masuuliyiin xisbiga wadani kamid ah oo ka gaabsaday in magacooda la xuso  loo soo bandhigay qorshaha ah in ay qaataan aduun lacageed oo gaadhaysa 50,000 Kun dollar,

Wararkan ayaa tibaaxay in qorshahan ay daba kawadaan xubno xiligii Daahir Riyaale ku shaqaysan jiray in ay taageerayaasha kulmiye kharash ku bixiyaan si ay kulmiye u noqdaan UDUBNA ugu soo digo rogtaan

Qorshahan ayaa ahaa kii  uu ku guul daraysatay xisbi xaakimkii UDUB kaasi oo ay ku keentay markii xubnihii xisbiga laga doorbiday xubno xisbi kale iska soo casilaya ay kuwii taageersanaan ku Quusqaateen Doonista xisbigoodii oo markii danbe sobabtay, in taladii dalka lagala wareego.

Iyadoo ay waheliyaan shaqsiyaad iyagu reernimo ku dagaalamayo oo uu hormuud ka yahay Cali MAREEXAAN oo xisbiga wadani ka dhexraadinaya Cid ay isku hayb yihiin,

Xisbiga kulmiye iyo xukuumadiisa ayaa jidkii udub ku guudaraysatay qaaday shan sano kadib  oo ay xiligan qaadeen waxaa intaasi usii dheer khilaafka iyo ishaysiga xisbiga gudihiisa oo noqday wax iska caadiya taasi oo kala fogaysay kooxihii shalay isku meesha u  jeeday oo midhahoodu ahaa xukuumada siilaanyo gadh wadeenka ka yahay,

Si kastaba ha ahaa tee Arimaha Iscasilaada xubno mucaaridka ka tirsan ayaan ahayn tan xisbiga wadani ee waxay xukuumada hore weerarkan oo kale ku haysay xisbiga UCID Oo xubnihii hore iskaga soo casilay ay hada xukuumada siilaanyo wasiiro ka yihiin iyo xilal kaleba

Waxaana la filayaa in qorshahan ay ku jiraan xubno Ganacsato ah kuwaasi oo caadaysaytay qorshahan diqmuqraadiya iyo geedi socodka ceebta ku ah,

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS